Ethiopia Oo Ku Firka-Naxday Kulan Si Sibiq Ah Uga Dhacay Oo Dhexmaray Wasiir Ka Tirsan Dawladooda Iyo Wasiir Maxamuud Xaashi

image

Hargeysa,(SM)-Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Ethiopia
ayaa ku firka naxay kulan si sibiq ah uga dhacay oo todobaadkan
Adis-ababa ku dhexmaray wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda ee dalkooda
Berhane Gebre-christos iyo wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland
Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah dhawr wasiir oo ku jira xukuumadda
Somaliland oo ay dibloomaasiyiinta shisheeye ee fadhiya mandaqada
Geeska Afrika ku xantaan inay xidhiidho dhaw la leeyihiin ururadda
xagjirka ah.
Siday ilo xogogaal ah oo ku suggan magaaladda Adis-ababa ay noo
sheegeen, qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee dawladda Ethiopia u
qaabilsan arrimaha sirdoonka ayaa waxa naxdin iyo u qaadan-waa ku
noqotay markii ay ogaadeen in wasiirul-dawlahooda arrimaha dibadu la
kulmay Mr Maxamuud Xaashi oo ay waliba ka wada hadleen arrimo la
xidhiidha amniga labadda dal.
Wasiirka duulista ee Somaliland oo shalay galinkii danbe dalka ku soo
laabtay ayaa dhawr warsaxaafadeed oo uu soo saaray intii uu ku
guda-jiray booqashadda uu todobaadkii hore ku tagay magaaladda
Adis-ababa wuxuu ku sheegay in wasiirul-dawlaha Gebre-christos ka
sokow uu kulamo kula yeeshay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, wasiirka
gaadiidka iyo madaxda Ethiopian Airlines.
Sidoo kale masuuliyiin sarsare oo ka tirsan wasaaradda khaarajiga ee
Ethiopia ayaan iyagu jeclaysan amaba ka xumaaday in kulamadan uu
Maxamuud Xaashi la yeeshay saddexda wasiir ee ka tirsan dawladda
Ethiopia ay u dhaceen si baalmarsan Protocol-ka, iyadoo hadda la
baadhayo cidii soo qaban-qaabisay.
Dhinaca kale Maxamuud Xaashi oo isagu xalay ogaaday in kulamadiisii ay
kiciyeen dareeno shaki leh, ayaa markii uu galinkii danbe ee maanta ka
soo degay madaarka Hargeysa wuxu ku tiraabay hadalo cadho ku jirto oo
is-difaac ah isagoo ku celceliyey inuu xaq u leeyahay kuna saxsanaa
inuu wasiiro-da uu doono la kulmi karo, isla markaana uu dawladda
Somaliland ku matali-karo kulamada noocaas ah.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Qarannews