FAALO…SIYAASADA GEESKA AFRIKA, XAALKA SOMALILAND IYO KHAATUMO

HABIIL

Somaliland oo dib udhac siyaasaded oo xoog leh kusocota iyo cadaalad darada baahsan ee bulshada somaliland kadhex jirta, baahida xad dhaafka iyo shaqo la’aanta dhalinyarada oo in kabadan 90% ay bilaa camal yihiin jaamacadaha sanad kasta ay kasoo qalin jabiyaan dhawr kun oo arday ayaa masuuliyiintii umada ushaqaynaysay ay kumashquuleen dhaqaale boob, guryo dhisasho,mashaariicdii ganacsatada lasiin lahaa oo loo soo samaysta shirkado aan horayba ujirin,

Waxaa maalin kasta qurbaha kataga dad cusub oo mashaariic in lasiiyo raadinaya oo iyagoo fursado shaqo oo wanaagsan haysta raba inay lacag badan oo sahlan kasameeyaan naas nuujinta qoyska talada haysta ee lunsan garana la’ baahida guryaha ku hareeraysan madaxtooyada ee aan dabka laga shidanin uyeedhanaya dad yurub iyo Amerika kashaqaysan kara oo aan baahiyi haynin,

Waxyaabaha dalka kadhacaya waa wax dammiirka qofkastoo muslina uu diidayo, waxaa sii dheer dagaalka khaatumo ee deeganada sool sanag bari oo runtii xaq darro weyn oo dalka kajirta ah awood qaybsigii oo dulmi weyn lagu sameeyey iyadoo aanay helin saamiga shaqaalaha iyo hay adaha dawlada ardayda scholarshipyada turkiga oo sool aanay wax arday aha wali kahelin halka gobolka togdheer 400 ay marayaan ardayda seminarada loo diray iyo duriyada oo boosaskii dawlada dhamaantood iskuwada taxday xagee loogu yeedhaya oo ay wax laqaybsadaan madaxweynihii, baarlamaankii,guurtidii,wasiirkii arimaha gudaha, wasir dibada,wasir- maaliyada, wasirka-macdanta, wasiirka-waxbarashada, wasiirka ganacsiga,wasiirka dekedaha iyoganacsiag intaba waxaa haysta duruyada maxaad ku doonaysaan in wax laydinkula qaybsado mashacbaad ugu yeedhaysaan in laydiin noqdo

Waxaan umalaynayaa in Somaliland siyaasiyiinteedu aanay rabin inay dawlad noqdaan cadaaladaad adigu tabaysay ayaa ragna tabayaa hadaad leedahay cid kale iitalin maysana adiguna talin maysid waxaan leeyahay dib haloogu noqdo nidaam wax qaybsiga soamliland iyo cadaalada, shacabka somaliland waxaa leeyahay katashada dalka cida mustaqbalkiisa hagaysa hadii kale eeda wixii kayimaada dulmiga kasocda dalka iyo dhiiga daadanaya kuligiin u adkaysta waxay dhalaan.

Salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatuhu.

Gudoomiyaha xisbiga shacabka geeska afrika

Haabiil Cabdi Haybe.