Farduus Muuse Cabdilaahi Oo Shaacisay Inay U Taagan Tahay Musharaxa Golaha wakiilada Xisbiga Waddani ee Gobolka Daadmadheedh

image

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Farduus Muuse Cabdilaahi ayaa shaacisay inay tahay musharaxad u taagan doorashooyinka Golaha wakiilada Xisbiga Waddani ee Gobolka Daadmadheedh ee dhowaan ka qabsoomi doona Somaliland, kaas ay sheegtay inay hamigeeda siyaasadeed ay ka taagan yahay inay ka qayb gasho tartankan doorashada golaha wakiilada uu yahay mid aad u sareeya kalsooni weyna ku qabto inay ku guulaysan doonto ka mid noqoshada golahaas.

 

Farduus Muuse Cabdilaahi ayaa fariin culus u diraysa shacbiga somaliland waxaanay tidhi ” Aniga oo ah Fardawsa Muuse Cabdilahi Waxaan ku war-geliyaa damacayga musharaxnimo fariina u dirayaa dhamaan shacbi weynaha Somaliland gaar ahaan shacabka Gobolka Daadmadheeh waxaan leeyahay run aantii arintan musharax-nimo in badan baan ka fikirayey anigoo talooyin badan qaatay una diyaar-garoobayey wakhti badan, waxaanan arintan kala tashaday siyaasiin madax-dhaqameedyo, aqoonyahano iyo dhalinyaraba kuwaas aan qanciyey wax-qabadkayga mustaqbal ee gobolka” ayay tidhi Farduus Muuse Cabdilaahi.
Waxaanay tidhi Farduus iyadoo arintaas ka sii hadlaysa ” waxaanan ahay qofkii ugu horeeyey rag iyo dumar-ba ee daboolka ka qaaday hamigayga siyaasadeed taasoo ah inaan u taaganahay Musharaxa Golaha wakiilada Xisbiga Waddani ee Gobolka Daadmadheedh , Waxaanan guud ahaan shacabka ku nool Daadmadheedh leeyahay waanan soo bandhigi doonaa hawlaha inooga yaala gobolka kaasoo aan hubo inaad ku qanci doontaan, waana inaad si mugle uga fiirsataan cida aad dooranaysaan idinka oo aan u eegayn dan gaara , aadna waan ugu faraxsanahay inaan noqdo musharaxad u taagan xisbiga mustaqbalka ee Waddani ilaahayna hanala garab qabto aamiin aamiin “.

Salaanmedia/Hargaysa