Fu’aad Shangle oo ka hadlay Marxaladaha Aadag ee xiligan soo Wajahay Xarakada Al-Shabaab

shabaab

Mid kamid ah Saraakiisha ugu sareysa Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadlay Marxaladaha adag ee kooxdooda hada kusugan tahay kadib markii Culees badan kala kulmeen Duulaanka la qorsheeyay ee kusoo qaadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Sheekh Fu’aad Shoongale oo Al-Shabaab ugu magacaaban Madaxa dacwada ayaa Sheegay in Culees xoogan uu kasoo wajahay Al-Shabaab Howlgalka loogu Magac daray Badweynta Hindiya ay bilaabeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Fu’aad Shangole ayaa xusay in Al-shabaab Culees badan uu soo fuulay, balse aysan niyadda aysan ka jabi doonin ayna wadayaan dagaalada ay kala horjeedaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada kale ee lasocda..

Wuxuu sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay dhibaatooyin kala kulmeen howlgalada ay sameynayeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, wuxuuna xusay in magaalooyin dhowr ah oo muhim ahaa ay ku waayeen howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa gacanta ku dhigay Magaaladii ugu Muhiimsaneed ee Al-Shabaab gacanta ku hayeen, waxaana wali aan la ogeyn halka ay saldhigteen Saraakiishii ugu sareesay ee Xarakada Al-Shabaab ee ka baxay Magaalooyinka laga qabsaday.

Al-shabaab ayaa waayay gacan heynta degmadii ugu muhiimsaneyd ee Baraawe oo muddo shan sano ah ay maamulayeen, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay rasmi ahaan u baqooleen saraakiisha sarsare ee Al-shabaab oo aan iyagu shacabka ku dhex noolaan karin sida askarta caadiga ah ee Al-shabaab.Salaanmedia/Moqdisho