Gabaygii Wadani Gaadh Hayiyo Dalkii Waxaad U Tahay Guule Dhaliyii

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

Gabaygan magaciisa waxaa layidhaa (Guurti) waxaan ku cabirayaa Xusbiga Wadani dulqaadka,daganaanta,Dal iyo Dad jacaylka ku duugan Gudoomiyaha Xusbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka JSL Mudane Abdiraxmaan Mahamed Abdillaahi Cirro.

Waa curiskii Abdillaahi Hassan Mataan-23-03-2014.

Xusbiyahow gugaagad dhalatay iyo gadahan aad joogto
Bal garwaaqso waxad guul dhigtiyo sharaf halkaad gaadhay

Baarlamaan gudoonshaad ahayd toban guyaaloode
Sharci guuyihii baad ahayd xeerar gurawayne
Nabadaa la gaadhaad lahayd gacanta koobaade
Guud ahaan aqoonsiga midkii goobayaatahaye
Gaadh hayiyo dalkii waxad u tahay guulo dhaliyiiye
&&
Hayeeshee dar guushaada neceb galan galweeyaane
Intaa qaar ku gaadaaya oo raad guraa jira’e
Gurjuf iyo kolkii gaarjuf badan lagugu soo daayo
Ay guudka ceeb kuumarshaan gocoro weeyaane
&&
Guurtinimo nimay ku idishoo gaatamaatahaye
Mid garaadka maalaatahoon gobo’i seegayne
Kaftan iyo waxaad soo gadiyi gabayo waawayne
Markaasaa kuwii shilin gurtiyo hadhi guruubkii

Afartaa gamuumaye midkale aan gadiyo haatan
Aan gorfeeyo caaway murtidu golaha joogtaaye

Imakana gudoonshii Wadani uunku kuu garaye
Gelbi waxay ku leeyiin dalkana geesi baatahaye
Goclo orad talaabada hadaad guuro bahalayso
Ganka bari ilaa iyo galbeed Saaxil guradeeda
Bali gubadle geedkii shaxdiyo Booramiyo Guurtidii Saylac
Sool goodigeedıyo gar adag,Gebilay daanteeda
Gaaroodi hawd iyo Sanaag gurada Oodwayne
Halqigii lakala gooyey baad gacal walaalayne
Togdheer uga dhex geeraar aday gogoshu kuutaale

Allaa Mahadle
togdheer2000@hotmail.com
Abdilahi H Mataan