GOBOOD FALKA MADAXTOOYADA SOMALILAND IYO GODOBAHA QAWMIYADA DIR SALAADIINTEEDA LAGA GALAYO.

image

WAR SAXAAFADEED KUSOCDA MASUULIYIINTA SOMALILAND EE SARSARE; KU; MADAXWEYNAH SOMALILAND;AHMED SIILAANYO KU;GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA;CABDIRAXMAAN KU;GUDOOMIYAH GUURTIDA; SALEEBAAN MAHAMUUD AADAN KU GODOOMIYEYAASHA XISBIYADA OO DHAN; KU; DHAMAAN SHACABKA SOMALILAND EE QIIMAHA BADAN QADARINTA LEH.

masuuliyiinta sarsare ee qawmiyada direed oo uu hogaaminayohogaamiyaha qawmiyada dir suldaan bashiir geelle oo jooga norway,nabadoon cali afarre oo jooga London uk, Suldaan kibaar oo jooga muqdisho somalia, suldaan xaamud oo jooga Muqdisho somalia, suldaan cumar gacan oo jooga muqdisho somalia, suldaan cabdulqaadir ismaciil oo isiolo jooga iyo suldaan siciid oo nairobi jooga, iyo dhamaan nabadoonada iyo oday dhaqameedyada wada jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxay udirayaan eedayn kulul oo cambaarayna sida foosha xun ee loola dhaqmay suldaanka guud ee jubbooyinka oo ah halgamaa wayn oo wax badan Dir uga haya gobolada koonfur galbeed Somalia khaas ahaan gobolada juba iyo shabeelaha cambaarayn kulul ayaanu usoo jeedinayanaa dhamaan masuuliyiinta somaliland ee qadarin waayey suldaan XUSEEN XASAN NAALEEYE oo ah nin meel weyn kaga jira halgan lagu ilaalinayo qawmiyada Dir deegaanadeeda.

 

Waxaanan usheegaynaa dhamaan qawmiyada dir qurba joogteeda iyo shacabka gudaha somaliland joogaba in loo istaago suldaan xuseen xasan naaleeye oo ah nin qiimo weyn kuleh hogaaminta qawmiyada dir laakiin somaliland madaxtooyadeeda wiilasha jooga ay si xun ula dhaqmeen garana la’yihiin xurmada iyo karaamada salaadiinta dir inaan meel looga dhici.waxaan ugu baaqayaa sulaadiinta somaliland inay degdeg ugalaan suldaan naaleeye ambabixntiisa laga xaalmariyo wiilasha xumeeyey waxa ugaysteen. warsaxafadeed rasmiayana uu kasoo saari doono maalmaha soo socda magaalada london gudoomiyah siyaasad ee qawmiyada dir insha alaah.

KA SOCOTA; XAFIISKA HOGAANKA SARE EE QAWMIYADA DIR. KA; XAFIISKA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA UK. KA; GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA PHILOSORHER; HAABIIL CABDI HAYBE.