Golden Age: Koox Cusub oo kusoo biirtay Kooxaha kubadda Kolayga Hargeysa

Kooxda cusubHargeysa (SM)– Koox cusub oo ku soo biirtay naadiyadda heerka koobaad ee Kubadda Kolayga oo magaceeda la yidhaah ‘GOLDEN AGE BASKETBALL TEAM’ oo ku ciyaari doonta kambani magaciisu yahay Golden Age oo uu mulkiile ka yahay Nuradiin Axmedyasen Gabi Xaddi oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu caansanaa kubadda kolayga Somaliland oo hadda xaruntiisuna tahay magaalada Dubia ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Xaflad ballaadhan oo yagleelidda kooxdan cusub ee kubadda kolayga loogu sameeyey xarunta Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska shalay, waxa ka qaybgalay masuuliyiin uu ugu horreeyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Maxamuud Xassan Cabdillaahi (Qodax), Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, ciyaartoy caan ahaa oo u ciyaari jiray goballadii Waqooyi/galbeed sannadihii sideetamaadkii iyo waliba ciyaartoyda kooxda cusub ee Golden Age Basketball Team, taas oo lagaga hadlay sababta keentay aasaaskooda iyo muhiimada ciyaaruhu leeyihiin, iyadoo halkaasna kooxda cusub lagu wareejiyey qalab dhammaystiran oo ay ka mid yihiin garamaan, kabo iyo waliba dirayska isku joogga ah (uniforms.)

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Somaliland Mr. Maxamuud Xassan Qodax oo ugu horreyn xafladda hadal kooban ka jeediyey, ayaa u mahadceliyay mulkiilaha shirkadda Golden Age ee maalgalisay kooxdan cusub oo ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfa oo ka mid ahaan jiray ciyartoydii waawaynaa ee Kubadda Kolayga, isla markaan si wayn uga qaybqaatay unkidda kooxdan cusub iyo waliba kooxda IFTIN ee Wasaradda Waxbarashadda oo muddo ka yar sannad ka hor la aasaasay, ayaa halkaasi ka sheegay inay sii wadi doonaan taageeridda iyo gacan qabashada kooxaha ciyaaraha ee dhallinyaradda Somaliland oo taageero wayn u baahan.

Waxa kale oo uu Xildhibaanku si qoto dheer uga sheekeeyay sooyaalkii ciyaarta kubadda kolayga Somaliland iyo guud ahaan faa’idada ciyaaruhu u leeyihiin dhallinyarada.

“Ciyaaruhu waxay dhallinyaradda ka mashquuliyaan noocyada kala duwan ee balwadaha sida qaadka iyo waliba sigaarka. Ciyaaruhu sidoo kale waxay ka hortagaan inay dhallinyaradu badaha isku maqiiqaan oo ay dalkooda ka tahriibaan. Marnaba ka daalimayno taageeridda iyo garab-galka dhallinyarada iyo kooxaha ciyaaraha,” ayuu yidhi Md. Warfaa.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si aad iyo aad ah ugu mahad celiyay Nuuradiin Axmedyasen Gabi Xadi oo ah mulkiilaha shirkadda Golden Age oo uu kusifeeyay shaksi aad iyo aad u jecel hormarka kubadda kolayga, isagoo intaa kudaray inay kooxdani tahay kooxdii labaad ee ay unkeen mudo sanad gudaheed ah.

Agaasimaha Guud ee Wasarada Dhalinyaradda iyo Ciyaraha Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye oo soo gunaanaday munaasibadan ayaa ugu horeyn wuxuu u mahad celiyay nuuradiin Axmedyasen Gabi Xadi waxaanu si qoto dheer uga u sharaxay muhiimada ay guud ahaan sponsorsku u leeyihiin ciyaraaraha, isagoo sheegay inay kamid tahay shuruudaha looga baahanyahay inay kooxi yeelato.

Mudane Dhabeeye waxaa kale oo uu ku amaanay Xildhibaan Maxamuud Jama Warfaa kaalinta uu kuu ciyaaro hormarinta ciyaraha, sidoo kalana wuxuu sheegay inay soo dhawaynayaan kooxdan cusub ee Golden Age, isagoo dhanka kalana kula dardaarmay ciyartoyda kooxdan cusub inay la yimaadaan anshax, dhaqan suuban, dadaal iyo waliba ciyaar heerkeedu sareeyo.

Dhanka kalana Agaasimaha Guud ee Wasaradu wuxuu sheegay in ay ku hawlan yihiin binaynta siyaasad ciyarahu leeyihiin oo asaas u noqon doonta guud ahaan hormarinta ciyaraha kala duwan ee Somaliland.

Waxaa kale oo munaasibadaa kalmad ka yidhi Cabdisalaan Hereri oo ay saxiibo iyo waliba isku tiim ahaan jireen mulkiilaha shirkada Golden Age Nouradiin Gabi Xaddi, waxaanu dhiiri galin iyo dardaaranba siiyay ciyartoyga kubadda kolayga ee kooxdan cusub.

Salaanmedia/Hargaysa