Guddoomiyaa Xisbiga Muraacidka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo ka qayb galay xaflad hordhac ah oo loo qabtay mashruuca Kuwait dhisayso

10436337_844452212245643_5889603370283339593_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaa Xisbiga Muraacidka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka qayb galay xaflad indho-indhayn ah oo lagu qabtay gudaha mashruuca ay Kuwait maalgelisay ee laga dhisaayo bariga Magaalada Hargeysa, iyada oo aan weli la gaadhin xafladii waynaday ee xagdhiga lagaga jaraayay Dhismahaas.
Mashruucaas oo iskugu jira qaybo badan oo ay ka mid yihiin daryeelka iyo waxbarasita caruurta agoonta ah, sidoo kale mashruucaas waxa ka mid ah iskuul dugsi sare ah oo fasalka koobaad ilaa ka saddexaad oo lagu baran doono farsamada gacan oo kale duwan.
Dugsigaas sare ee farsamada gacanta ayaa noqoday kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Waddanka Somaliland. Dugsigaas farasamada gacanta oo ah mid casri ah sida loo sameeyay ayaa noqon doona mid ay baahi wayn u qabaan bulshada Somaliland isla markaasa ay ka faa’idsan doonaan sida uu sheegay Maamulaha iskuulkaas ku soo wareejiyay xubno uu ka mid yahay Guddoomiyaa Xisbiga Muraacidka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro, xildhibaan, Salaadiin, waxgarad iyo dhalinyaro qaybaha kala duwan ee dhismahaas oo ah mid aan hore looga dhisin guud ahaan Somaliland marka laga eego sidan uu u qalabasayn yahay ama uu u dhisan yahay, isaga oo ka kooban hurdadii, dhakhtarkii, jimicsigii, beertiii wax-soorka, warshadii roodida samayaysay, masaajidkii, labkii, cunto karintii iyo dhamaan adeegyadii waxbarsahada oo dhamaystiran.

Salaanmedia/Hargaysa


1939429_844451948912336_2161542147464433009_n10436337_844452212245643_5889603370283339593_n10411250_844452048912326_7287018107612699993_n10354082_844450718912459_1251765510428703601_n10339679_844452025578995_6873623095533209834_n10256562_844451548912376_878650849442357118_n1959235_844451168912414_5733750560864200205_n