GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN CIRRO OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY SHACBIGA REER SOMALILAND IYO GUUD AHAANBA UMADDA ISLAAMKA XUSKA CIIDAL ADXA AWGEED.‏

 waddani/ ciro
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ah meel kasta oo ay jogaan waxaana uu Illaahay uga baryayaa in ay sanadka sanadkiisa Caafimad qab, bash bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan meel kasta oo ay joogaanba.
War-saxaafadeed kooban oo kooban oo uu soo saaray guddoomiye Cirro oo na soo gaadhay ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan:

War-Saxaafadeed:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Xisbiga WADDANI ayaa waxaa uu hambalyo iyo bogaadin balaadhan uu u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibada Ciidal Adxa awgeed.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu leeyahay Ciid Mubaarak,Ciidal Caafiy,Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr.

Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto.

Amiin Amiin Amiin

Wa Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).