GUDOOMIHII XISBIGA WADANI LAANTIISA SEATTLE WASHINGTON OO XILKII ISKA CASILAY SHEEGAYNA…….

GUDOOMIHII XISBIGA WADANI LAANTIISA SEATTLE WASHINGTON OO XILKII ISKA CASILAY 
SHEEGAYNA…….
unnamed
Magacaygu waa Bashiir Madadaal
Waxaan ahaa  gudoomiyaha xisbiga wadani laantiisa Seattle Washington mudo sannad iyo bil ah.
Waxaan  doonaynaa inaan maanta oo taariikh tahay October 13-14 halkan ka cadeeyo inaan xilkaa iska casilay
Duruufo Aniga ii gaara owgeed,
Waxaan kaloo doonayaa  inaan halkan uga Mahad celiyo dhamaan madaxda xisbiga laantiisa seattle Washington 
Labada gudi ee laanta ,
Gudida fulinta iyo golaha dhexe ee laanta Seattle Washington 
Odayaasha ,dhalinyarada iyo garabka haweenka oo runtii si fiican iila soo shaqeeyay mudadii aan xilka hayay,
Waxaanan leeyahay madaxda  iyo taageerayaasha xisbiga wadani laantiisa Seattle Washington 
 waxaynu soo qabanay shaqo adag 
Waxaanan idiin rajaynayaa guul iyo wada shaqayn tii iyo dadaalkii oo aad halkii ka sii wadaan.
Waxaan kaloo doonayaa inaan halkan ka cadeeyo inaanan ka tanaasulin xubinnimadii xisbiga wadani ee aan xilkaasuun iska casilay.
Waxaan aad ugu kalsoonahay siyaasada guud ee xisbiga wadani  iyo
hugaanka guud ee xisbiga wadani
Waxaanan aaminsanahay in xisbiga wadani yahay XISBIGA RAJADA EE SHACABKA REER SOMALILAND 
Waxaan kaloo balan qaadayaa inaan la shaqayn doono cidkasta oo loo soo doorto gudoomiyaha xisbiga wadani laantiisa Seattle Washington.
Waxaan  faylashii iyo waxii macluumaada ee laanta Seattle Washington  ku  wareejinayaa 
Gudoomiye ku xigeenkayga
Mr Mohamud Abdilahi iman oo sii ahaan doona gudoomiyaha laanta Seattle Washington ee xisbiga wadani si ku meel gaadha sida sharci hoosaadka laantu sheegayo..
By Gudoomiyaha laanta Seattle Washington  ee xisbiga waddani
BASHIR MADADAALÂ