Gudoomiyaha Golaha guurtiga waa in Lagula xisaabtamaa khal-khalka uu dalka geliyay iyo sida uu ugu tumanayo nidaamka iyo shuruucda dalka.

Gudoomiyaha Golaha guurtiga waa in Lagula xisaabtamaa khal-khalka uu dalka geliyay iyo sida uu ugu tumanayo nidaamka iyo shuruucda dalka.

 unnamed

Waxa aan marka hore idin xasuusinayaa in maalintii xeerkan diiwaangelinta la ansixiyay, isla markii xildhibaanadu debedda u soo baxeenba aay bilaabmeen telefoono iyo buuq lagu diidan yahay ansixinta xeerkan.

Hadda waxa soo baxday cidii muraadka-gaarka ah lahayd ee xeerkan diidanayn in la ansixiyo oo ah Gudoomiyaha gola gurrtida oo  ujeedooyinkiisa ugu waawayn ee uu xeerkan u diidan yahay ay tahay:

  • In lagu cambaareeyo oo ceeb aanu lahayn loogu sameeyo Gudoomiyaha  Golha wakiilada oo ah musharaxa ay wer-werka weyn ka qabto xukuumadu marka la eego taageerada iyo kalsoonida uu ka haysto umadda reer Somaliland iyo caalmaka kaleba,
  • Iyo Weliba in uu Gudoomiye saleebaan u sii gogol xaadhayo Mudo kordhin uu u sameeyo madaxweyne Siilaanyo oo sharci darro ah.

Khilaafkan wax  dood ka qabtay TV-Qaranka! Doodaas oo u muuqatay mid shirqool aha oo lagu majara habaabinayo shacabka. Doodaa  waxa iiga soo baxay khaladaad aad u badan oo muujinaya sida badheedhka ah ee sharciga dalka loogu tumanayo ee umadda beenta loogu sheegayo. 

Qaladaadka  doodaa ka muuqday wax aka mid ahaa:

  1. Sida loo soo qaban qaabiyay waxay ahayd shirqool lagu sameeyay Xildhibaanada Mucaaradka oo qaarkood loo diidayba in ay ka qayb galaan dooda sidii Tv-ga  laga cadeeyay, waa yaab!!.
  2. Waxa xildhibaanada Mucaaradka laga qariyay oo aan hore loogu sii sheegin qodobada ay ka doodi doonaan ee khilaafku ku saabsan yahay.
  3. Xildhibaanada Mucaaradku Waxay soo qaateen Xeerkii goluhu ansixiyay oo ay islahaayeen kan ayaa laga doodayaa, laakiin waxa yimi rag sita xeer kale oo aanu guluhu ansixin, meesha ay ka keeneena may sheegin.
  4. Waxa ii cadayd in xildhibaanada Kulmiye iska indho tirayeen wixii la ansixiyay oo ay siteen xeer aan ahayn kii la ansixiyay ee sida rasmiga ah uga soo baxay golaha baarlamaanka.

Waxaan arintaa ku cadaynayaa.
Xeerka ay akhriyayeen ee ay la haayeen waa kii asalka ahaa oo anay sheegin meesha uu ka yimi iyo cida qortay? Ma iyagaa qortay?  Way cadayd in uu ahaa xeer aanay haba yaraatee ka war qabin xildhibaanadii Mucaaradka ee goobta fadhiyay. Xildhibaanada Mucaaradku waxay siteen xeerkii baarlamaanku ansixiyay oo markay is yidhaahaan akhriyaba loogu jawaabayay kani waa ka aanu idinku haysano, kani waa joojeri IWM. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay ka ay iyagu(xildhibaanada Xukuumada) siteen ayaa foojeri u dhawaa, waayo meel laga keenay iyo cid qortay toona may sheegin. Xataa lama hubo in uu kii xukuumaddu soo gudbisay ahaa, waayo xildhibaanada muxcaaradku kaa way garan lahaayeen.

 Waa yaabe ma ka xeerka jeebkiisa ah sita ayaa la qabsanayaa oo dembi iyo foojeri ku jira,  mise ka sita xeerkii rasmiga ahaa ee goluhu ansixiyay?.
Waxa kaloo is waydiin leh yaa u gudbiyay saleebaan xeerkan tahriibta ah ee uu wax ku qiyaasay? Ma baarlamaanka ayaa u gudbiyay mise wax cid aan la garanayni isu gud-gudbisay ayaa dadka lagu wareerinayaa? Su’aasha kale waxay tahay Xeerka baarlamaanku gudbinayo ma waxa qoraalkiisa la dhamays tiara  marka doodu dhamaato si wixii lagu heshiiyay loogu kordhiyo ama looga saaro?  mise waxa xeer ah kii xukuumaddu soo gudbisay?

 Waa yaabe  ma laba xeer ayaa la qoray go’aankii baarlamaanka ka dib? Mise kaa guurtida loo gudbiyay oo qudha ayaa la qoray? Hadii baarlamaanku kaa ay guurtida sida rasmiga ah ugu gudbiyeen oo qudha la qoray xagee ka yimi kan ay xildhibaanada xuguumada iyo saleebaan sitaan ee ay leeyihiin waa sax?

  1. Mise G. saleebaan waxa uu leeyahay Golaha baarlamaanku Xeerkii la ansixiyay ee saxa ahaana wuu noo soo gudbiyay  Gudoomiye C/raxmaan Cirrona mid kale oo jeebkiisa ah ayuu ii keenay? Haday sidaa ahaan lahayd Saleebaan waxa la gudboonaan lahayd in uu golihiisa hordhigo xeerka saxa ah ee soo maray nidaamkii labada gole wax isugu gudbin jireen. Kii ay isaga iyo saaxiibkii C/raxmaan isu dhiibeena waxa uu ahaan lahaa wax iyaga dhex maray oo aan u baahnayn in  umadda lagu khalkhaliyo. Waxase cad in aan arinku sidaa ahayne uu G.Saleebaan soo celiyay Xeerkii rasmiga ahaa ee loo gudbiyay isagoo aan golihiisa horgayn oo kala tashan. Waxa Iyana layaabkeeda leh sida uu Saleebaan ku odhan karo xeerka nalo soo gudbiyay xeerkii golaha baarlamaanku ansixiyay maaha. Saleebaan ma isagaa ahaa xoghayntii u xilsaarnayd inay xeerka Final ka ee golaha baarlamaanka qorto? Mise goleyaal qarsoon oo waxan ka tashaday oo iyagu sidan isugu sheekeeyay oo G. saleebaan ka tirsan yahay ayaa jira oo dalka ka taliya?.

 Gudoomiye Saleebaan arintan wuu ku khaldan yahay. Gudoomiye C/Raxmaan Cirrona ceeb aanu lahayn iyo shirqool ayuu ku sameeyay. Waa in lagula xisaabtamaa. Sidee ayuu Gudoomiyaha Guurtidu keligii u soo celin karaa xeer golaha baarlamaanku si rasmi ah ugu soo gudbiyay? Waa in la waydiiyaa G. Saleebaan sida uu ku ogaaday in Xeerkani khalad yahay iyo meesha uu warkaa ka keenay. Hadii aanu saleebaan cadayn meesha uu ka keenay warka sheegaya in xeerka baarlamaanku u soo gudbiyay uu khalad yahay waxa cadaan doonta in dalka aanay dawladii iyo golayaashii aynu dooranay  katline cid kale ka taliso.

  1. Xeerka la anisixiyay waxa uu ka soo dhex-baxayaa sida ku cad Gunaanadka gudoomiyaha baarlamaanu ka akhriyay golaha dhexdiisa dhamaadkii dooda oo ahayd gunaanadkii codka loo qaaday;

Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay oo ku soo ururiyay doodii in xeerkii la soo gudbiyay la waajajindoon:

  • Xeerarkii ka horeeyay ee distooriga ahaa, sida xeer 37, 2007 iyo lifaaqyadiisa, xeerka Jinsiyadda, xeerka gobolada iyo degmooyinka,
  • In  la waafajinayo kaabista iyo waxka bedelka goluhu sameeyay (oo ah waxii ka soo baxay dooda wakiilada),
  • In lagu darayo  Heshiiskii xisbiyada iyo xukuumada  ee madax weynuhu soo gudbiyay iyo weliba Qodobo kale.

Hadaba waxa sax ah in  xeerka a loo gudbinayo Guurtida uu yahay ka la daabacayo marka intaas oo dhan la waafajiyo, ee doodii wakiilada wixii ka soo baxay lagu daro, ee  xeerarkii ka horeeyay ee faraha badnaa  wax ka hor imanaya laga reebo ee heshiiskii asxaabta lagu daro.
Waxa  is waydiin leh  Gudoomiye Saleebaan ma xoghayn kale iyo baarlamaan kale ayuu warka ka qaataa oo intay xeerkii sidaa gudoomiyuhu sheegay usoo diyaariyeen usoo gudbiyay? Mise xeer sidaa gudoomiye Ciroo golaha ka dhex akhriyay loo soo diyaariyay oo lagu soo daray wixii wax-ka-bedel iyo kaabis ahaa, oo laga reebay wixii ka hor imanayay xeerarkii ka horeeyay ee distooriga ahaa oo la soo dhamaystiray loo soo gudbiyay oo sifo sharci ah loogu soo gudbiyay ayuu Gudoomiye Saleebaan sifo suuq madow ah oo aan golihiisu la ogayn oo sharci daro ah u diiday oo dalka buuq  u geliyay? 

Arintani waa arin khatar ah, waa arin si fool xun loo siyaasadeeyay, waa madaxdii qaranka oo ceeb aanay lahayn iyo shirqool loo maleegayo, waa dalka oo khalkhal la gelinayo. Arintani waxay u muuqataa in saleebaan si badheedh ah isu hortaagayo in doorasho dhacdo si uu Madaxweyne Siilaanyo mudo kordhin ugu sameeyo. Maaha wax la aqbali karo in labada masuul ee dalka ugu sareeyaa ay qabyaalad ilaa heerkaas ah isku raacaan oo masiirka umadda ay afduubaan.

Arintaasi waa sharci darro ka mida sharci darooyin badan ooh ore looga aamusay oo umaddu ka dul qaadatay. Heerkan marka ay maraysana waxaan u arkaa in ay dhaaftay heerkii umaddu aqbali lahayd. Waxaan u arkaa in umaadu aany aqbalin wax dambe oo sharcio darro ah. Nin walibana wixii umadda qalad iyo dulmi uu ka galay horayso iyo dambayso waa in lagu qaadaa oo sharci cadaalad ah la horkeenaa.

 

Qoraal dambe oo kan daba socda ayaan kaga hadli doonaa in wax alle wixii ay xidhibaanada xukuumadu ku doodeen ee ay lahaayeen xeerkaa laga saaray ay cadaynayaan sida aan xukuumadu doorasho diyaar ugu ahayn.

 

Laakiin si aan qoraalaku u dheeraan hadda waxaan ku koobayaa in aan soo bandhigo sida sharci darada ah ee dalka buuqan loo geliyay ee gudoomiye Saleebaan oo cid aynaan fahmin warka ka qaatay uu qaranka khalkhal u gelinayo.

 

 Alla mahadleh

    

 

Maxamed C/laahi Ciise

Xubin Gudiga Arimha Debedda ee Xisbiga Waddani