Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Baashe oo shaqadii sirdoonka uu Xamar ka hayn jiray soo celiyey by Abdi mustafe

maqaal

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Baashe ayaa waagii kacaanka wuxuu si toosa uula shaqeyn jirey Ahmed Suleiman Dafle oo nabad sugida heystay oo ay isku beel na ka soo wada jeedeen. Markii la xaqiiq saday in Baashe kacaanka daacad u yahay oo uu warar loo baahnaa ka soo qaado bulshada reer waqooyiga siiba Isaaqa ayaa Bankii dhexe ee Somalia lacag badan laga amaahiyey oo uu ku baayaca mush tarain jiray. Baashe wuxuu si joogta ah u soo basaasi jiray tujaarta reer waqooyiga iyo kuwa dowlada u shaqeeyaba.

Wuxuu gaadhay heer dhaqaale gaara oo uu ku qarash gareeyo dadka uu warka ka doonayo loo ansixiyo si joogta ah. Iminkana shaqadii uu berigaa yiqiinay ayuu la soo noqday oo intuu isa soo miskiiniyo ayuu u tagaa taageera yaasha Waddani iyo gudoomiya hooda oo uu war uuga geeyaa garabka uu ka tirsn yay ee Kulmiye, isla galabtaa ayuu hadana caraabaa kuwii uu ka tirsanaa ayuu u tagaa uu ku yidhaahdaa imin kaan ka imi colkii kale oo waxay doonayaan in ay wax kharibaan. Maadaama uu basaas gaboobay yahay kolba qaar buu war u geeyaa. Baashe hadaba waxa intaa u dheer oo dadku ku wada yaqaanaan in aannu ahayn nin adag oo raga nimo le ee gabadha uu qabo oo ka soo jeeda magaalada Hargiesa ayuu weligiiba daba socdaa. Waxa hubaal ah oo biyo kama dhibcaan ah in Puntland looga yeedhay oo loogu balan qaaday in wasiir nimo looga qaado nin beeshiisa ah oo goor aan dheerey Baashe sidii Xaabsade ayuu dhaqaajinayaa.Baashe waa nin aad u aqoon daran oo wuxuu quud dareynayaa in dhowrka bilood ee doorashada ka hadahay uu gudoomiye ka noqdo golaha wakiilada ee wey u suurta geli weyday.

Baashe iyo xaas kiisuba waxay ku xidhanyiin madaxtooyada oo uu ileyn waa nin basaas ahaan jiray ee uu kolba warkay doonayaan inay maqlaan buu u geeyaa. Xaas kiisuna waa dumarka habeenkii la cawweeya marwada Amina Weris ee ku ciyaara heesta Farxiya Fiska ee tidhaa Wadnahay dhag lee dhag-dhag. Baashe waa nacab somaliland aan aamin sanayn oo ku meel gaadhaya hase ahaatee maaha nin cid khatar gelin kara oo waa nin aad u jilicsan oo gabadhiisa uun daba socda….Subxaan….