Ha loo gurmado Gandi Library oo eex loogu wareejinayo ganacsato: tacliin la’ani waa ileys la’an e

Unknown

Gandi Library waxa sifa xooga loogu wareejinayaa ganacsadayaasha ilma Farah Xarbi ,,,, Cajiib,,,,,
ilma Farah Xarbi waxaan filayaa in aanay tacliin jaamacadeed mid koodna lahayn oo markay kacaameen
ay ku dareereen bakhaarada oo sidaa darteed baanay u faham sanayn qiimaha Library leeyahay.
Haday ilma Farah Xarbi garan waayeen qiimaha cilmigu leeyey oo iyagu ay bakhaaray noqdeen shicibku ha ka gilgisho in aan sinaba Gandi Library loogu wareejin ganacsatadaa bakhaarka ahaan u istic maalaysa. ilma Farah Xarbi waxay adeegsanayaan awooda dowlada uugu hiilinayso oon geedna loogu soo gaban. Runtii waa wax laga xishoodaa. Hadii ay dhici karto Hargiesa librariga ka furaa 15 sanadood in qaraabo kiil lagu siiyo ilma Farah Xarbi oo ay madaxweynaha beel ka soo wada jeedeen waxay u muuqataa in xukuumadu ay wado in ay ummada iska hor keeneyso oo ay dagaal sokeeye rideyso.

Hadii uu kula socodo siilaanyo in ilma Farah Xarbi lagu wareejiyo Gandi Library, ogsoonaada waxa dalku marayaa halkii kacaanku ku burburay e. inamada ilma Farah Xarbi waxaan leeyey fudeydka joojiya oo faraha kala baxa librariga. Goobaha aan la damaaciyin waxa ka mida meelaha tacliinta laga fidiyo iyo masaajidada. Weydaan garanayn Gandi ee wuxuu ka mid ahaa ragii u soo halgamay sidii reer Somaliland tacliin loo bari lahaa isaga iyo Yussuf Haji Aden iyo Maxamoud Ahmed Cali iyo dhowr nin oo kale ayaa bilaabay nin waliba in uu walaalkii keeno waqti aan ummadu u bisleyn in wax la baro.

Ha ka ridina dagaal Hargiesa!!!
by Abdi Mustafe abdi_mustafe123@yahoo.com