Hamabalyo iyo duco u soo jeedinayaa dhamaaan Mujaahidiintii ku shahiida halgankii dib u xoreynta Jamhuuriyada Somaliland

10730859_383509865136370_8155450540541072017_n-150x150
Waxaan hamabalyo iyo duco u soo jeedinayaa dhamaaan Mujaahidiintii ku shahiida halgankii dib u xoreynta Jamhuuriyada Somaliland oo maata laga joogo 30 sannadood waa waxa ilaahay lagu mahad naqo, inagoo haysana xoriyada, xukuumada, calan, distoor, xisbiyo muxaafid iyo mucaaradba ah oo isku ujeedo iyo isku hadafba ah . Waa Qaran, ciidankiisa kal gedisani ay ka talinayaan. Qaran Passport,leh waa Qaran qabtay doorashooyin madax weyne yaal tiraba 4 Madax weyne Baarlamaan, dawaladaah hoose(golaha degaanka) iyo tan ururada siyaasada qabtay.
 
Hadab maanta oo aynu 30 guuradii maalinta Mujaahidka aynu u dabaal degayno may ahayn in  khilaaf siyaasadeed la gelinyo faataxada iyo ducda maytaadka Mujaahidiintii waa arin laga yax yaxo laga xishooda waa in jiidhku kuu damqadaa, ee maah in cod iyo taageero lagu doonto.Kuwii ku ololeyn jiray Mj Lixle hooyadii oo Guri dayacan ku nool ayaa Daahir Rayaale ku daawanayaa maxay maanta u qabteen? Maxay Ducada ugu diideen in loo badiyo oo meel kasta qofkast oo Somalilander ah meel kastan ha joogaane waajib bay ku tahay in uu halkooda ugu duceeyaan.
 
Waa in caqligu shaqeeyaa ee ma ah in awooda xukuumadu ay shaqo guracan ku jujuubto shacabka mujaahidiinta u ducaynaya.Sahar halgan ilaahay wuu kaa aqbalayaa ducad aad niyaysay , hanjabaad iyo cago jugleyn horeynu u soo maray oo waynu u dul qaadayanaa xukuumada taagta daran . Inagoo dhawreyna danta umabkeena aayahooda iyo Ubadii mujaahidiintaba kan ilaalinayna calool xumo. waxaynu u sheegaynaa in aynu mar warba la garb taaganaano hiil iyo hooba insha alaah.
 
GUUL IYO GOBANIMO
 
Mataan Maxamuud Cumar
Sheffiel