“Horumarka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Waa Mid Tusaale U Noqon Kara Barriga Afrika” Suldaan Xuseen .

image Hargeysa (SM)-Suldaan Xuseen X. Cabdi C/laahi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland iyo deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegay in xawaaraha waxqabadka iyo horumarka ka jira deegaankaasi uu tusaale u noqon karo mandaqadda barriga afrika.   Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu caawa na soo gaadh siiyay oo u dhignaa sidan:-

“Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya runtii waxay samaysay sanadihii u dambeeyay dedaalkii u weynaa ee horumarineed oo tusaale nool u noqon kara mandaqadda geeska afrika iyo gobolka barriga afrika oo dhan. Waxa horumarkaasi dhinacyadda badan ee dawlad deegaanka Soomaalidu gaadhay horseed u noqday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo waxa uu naruuro geliyay bulshadda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ka saaray nabad-gelyo xumadii iyo wax-qabad la’aantii haysatay.

Waxaan maanta daah innaga saarayn inay tahay dawlada deegaanka Soomaalida Ethiopia in goobtii waxbarashada goobtii dhaqaale iyo horumarka.

Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo ah goob ay Soomaalidu dhammaanteed ku nooshahay waxaa waajiba Soomaalidu meel kasta oo ay degto in lagu ammaano waxqabadka madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar, waxaan mar kala duwan oo aan tagay waxaan la yaabay horumarka ka tisqaaday oo aan aad ula dhacay, taasina waa sababta aan u idhaahdo madaxweynahaasi waxqabadkiisa ha lagu darro manhajka waxbarashadda Geeska si uu dhaxal ugu noqdo jiilasha cusub.

Waxaan u soo jeedinayaa madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida inuu sii wado oo uu sii balaadhiyo waxqabadkiisa muuqda, taasi oo ah mid bulshadda deegaanka Soomaalida Itoobiyana ay garab taagan yihiin oo ay la shaqaynayaan, ka dib markii ay aqoonsadeen qaateen hal ku dhig ah :

“DABKII BAXAYA AYAA DAB LAGU QABSADAA.”