Isha Salaanmedia……Isu Hub Gurashada Labada Garab ee Golaha Wakiilada ee Xukumaddu Qaybisay iyo Dareenka Shacabka

salaanmedia

Isha Salaanmedia
Isu Hub Gurashada Labada Garab ee Golaha Wakiilada ee Xukumaddu Qaybisay iyo Dareenka Shacabka

Waxayna maanta Diirada ku Saaraynaa Barnaamijkeenii
Isha Salaanmedia oo todobaadkiiba hal mar idiinka yimaada magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland iska hor imaadka ka dhexe taagan Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo Ay Xukumaddu Dhawaan Warmaha isugu dhiibtay
Sidaynu la wada socono waxa beryan dambe soo noqnoqda khilaaf Ay xukumaddu soo waarido oo ay ku soo dhexe tuurto aqalka Baarlamaanka JSL
iyadoo muddo yarn laga joogo khilaaf meel adag gaadhay oo ay soo afjareen mudanyaash ay deriska yihiin ee Guuridu
hadana waxaan halkiisii ka curtay khilaaf kale oo kii hore kadaran
waxana Guud ahaanba maanta ilaa xalay laga dareemaayay Magaalada Hargaysa Xiin siyaasadeed oo xawaare ku soconaaya
waxana Maanta Galabta ay isusu ururusanayaan labadan garab ee Goluhu u kala jabay hubkii mooshinada ay isugu hanjebaayeen iyadoo wararku sheegayaan intay Qoladii Xukumaddu Dabada ka riixaysay ay imika ku shirayaan Guriga Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Mr Saylici oo beryahanba Gabood lagaga sooduulo golaha u ahaa kooxaa xukumadda u adeega halka
Qoladii Mucaaradka ahydna ay tooda soo taxanayaan
hadaba marka laga yimaado labadan dhinac waxa iyaguna Dareen xaasiya dhegtu u taagantay shacabka oo U badan dhinaca Xisbiyada Mucaaradkaa
waa dagaal afar geesooda oo kala ah labada garab ee Golaha wakiilada iyo Shacabka iyo Xukumadda oo kala taabacsan labadan qolo bal waynu eegi halka uu ku dhamaado dagaalkaasi
Diyaariye Sacad plucky
Hargaysa Somaliland
Salaanmedia