Isha Salaanmedia…Xaalada Baahday Iyo Xukumadda Iyo Xisbiyada Mucaaradka Ah oo Xiisad Culusi u Dhaxayso

Isha Salaanmedia

salaanmedia
Waxa Maalmahan sare usii kacaysa xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukumada iyo xisbiyada mucaaradkaa iyadoo xaaladu gaadhay heer aanay hore u gaadhin mudooyinkii ugu dambeeyay
waxana laysku mari la.ayahay muran ka dhashay xeerka Diiwaan gelinta medeniga ah ee ilaa hada sharci darada ku socota iyada oo aan ka soo dhamaan Golayaasha sharci dejinta waxana la dareemayaa in ay xukumaddu Marshuuc ka dhigtay Xeerkaas waxana buuqa ugu badani taaganyahay xeer no-37 oo mar sii horaysay ay ansixiyeen Mudanayaasha golaha Wakiilada somaliland isla markaana ay u gudbiyeen Golaha dhigooda ah ee Guurtida waxayna sida wararku sheegayaan ay xukumadu kala dhex fadhiisatay labadan Aqal ee Mataanaha ah waa Wakiilada iyo Guurtidee
Hadaba waxan ilaa imika la hayn wax waan waana oo muuqda dhan kastaba ha ahaatee waxana ayaamihii ugu dambeeyay saxaafada laysu marinaayy hadalo dhiif iyo dhibaabo huwan
Hadaba marka laga yimaado is hayntan Sadex geesoodka ah ee u dhaxaysa labada garab ee Golaha wakiilada oo ay weheliyaan Xukumada iyo Guurtida oo dhinaca xukumada kasoo jeeda 
waxana iyagu dhanka kale su.aalo iska waydiinaaya Shacab waynaha Somaliland oo markaad u dhabo gasho aad dareemayso inay dhinaca Mucaaradka u janjeedhaan oo aad dareemi karto inay cadho la huursanyihiin
Waxana marmarka qaar laga dareemayaa magaalooyinka waawayn ee dalka haraaci siyaasadeed iyo guux shacab oo aan raali ka ahayn ficilada Xukumadu ku talaabsanayso
Waxana gebi ahaanba meesha ka baxday kalsoonidii Golaha guurtida ee laga dhur sugi jiray marka ay xaaladaha noocani yimaadaan dhexdhexaadintooda 
kadib markii ay mucardku sheegeen inay dhinac la safteen iyaguna ay iska difaaci waayeen eedahaas amaba waxana  mar ay dhawaan ka hadleen eedaha Mudanayaasha Mucaaradkaa ay Xubno Guurtida u hadlay ay wwedhahooda ka dhadhamaysay luuqada xukumadu hore isugu difaacaysay qaar garab taagan 
Waxana ay xaaladu maraysaa cidina uma maqna ceela uma qodna halkay cuskataaba waa boog
Jawaabta ugu muhiimsanina waata ay shacabku ku jawaabaan
Diyaariye Sacad plucky 
Salaanmedia