Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Norway Oo Xaflad Balaadhan Kusoo Dhoweeyay Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Somaliland.

image

(SM.Oslo)-Jaaliyadda Somaliland ee dalka Norwey ayaa caasimadda Oslo Munaasibad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan.

 

Agaasimaha Guud oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay booqasho hawleed ku joogay Dalka Norwey ka dib markii uu kulan heer caalami ah kaa qayb galay Dalka Talyaaniga ayaa Munaasibada lagu soo dhaweeyay waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo UCID Ee Dalka Norwey, Xildhibaano laga soo doorto dalka Norwey, masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Maxamed Cilmi Aadan ayaa ugu horeyn warbixin dheer oo ka hadlaysay xaalada guud ee dalka uu marayo ka siiyay Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Norwey.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay hada cagta saartay dhabadii horumarka isla markaana guud ahaanba shacabka Somaliland looga baahan yahay in ay xukuumadda ku taageeraan wixii wanaag ah ee ay hir gelinayso.

Dhinaca kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulamadii ugu dambeeyay ee uu kaga qayb galay Dalka Talyaaniga iyo waxyaabihii lagaga hadlayay.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay dadka reer Somaliland ee Norwey ku dhaqani ay ka hawl galaan sidii ay dhalinyarada uga wacyi gelin lahaayeen tahriibka oo ay hadda u dhaqaaqeen kuna dhamaadeen bada Libya iyo Talyaaniga.

Guddoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Axmed Muxumed Madar, Xildhibaan Faadumo Cali Madar, Xildhibaan Baashe Maxamed, Mohamed Nuur Tahar Oo Kamid Ah Golaha Gurtida Norway, Ambasador: Sulub Warsame Hussein, Layla Jama Kaahin iyo Mohamed Hassan oo ka tirsan Xisbiga Wadani, abdihakiim Ismail gudomiyaha UCID Norway Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Norwey Md. Mohmaed Abdi Ismail oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu soo dhaweeyay dalka Norwey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan.
Fanaanka iyo Musishanka caanka ah ee Cabdirashiid Cali Xamari ayaa gabogabadii xaflada hadiyado guddoonsiiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase).

Salaanmedia/London