Khilaaf Ka Taagan Qabsashada Degmada Jilib Iyo Nicholas Kay Oo Waan-Waan U Tagay Kismaayo

 

Khilaaf Ka Taagan Qabsashada Degmada Jilib Iyo Nicholas Kay Oo Waan-Waan U Tagay Kismaayo
Waxaa maanta Kismaayo safar degdeg ah ku tagay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kays, wuxuuna kulan saacad qaatay madaxtooyada Kismaayo kula yeeshay hogaamiyeyaasha maamulka Jubba.
Mr. Nicholas Kay iyo Maamulka waxa ay ka wada hadleen hawlgalka ciidamadda Jubba iyo kuwa AMISOM ee gobolada Jubbooyinka, waxayna wadahadalada salka ku hayaan khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubba ee salka ku hayo qabshada degmada Jilib iyo ciidamada AMISOM ee qabanayo magaaladan muhiimka ah ee ku taalo Jubbada Dhexe.

imageMadaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa wakiilka Qaramada Midoobey u sheegey go’aanka maamulkiisa, cabashooyinkooda iyo waliba waxyaabaha salka uu ku haayo khilaafka.
Sida saxaafada mar horey ugu daabacnay , dowladda Somalia waxay dooneysaa in ciidamada AMISOM ee ku sugan Baraawe /Sh.hoose in ay qabtaan degmada Jilib halka maamulka Jubba uu ka biyo diiday qorshaha dowladda, waxaa uu sheegay maamulka Jubba in ciidamada dowladda ee AMISOM la socda ay yihiin ciidamo hogaamiye kooxeedyo hoostaga sidaa darteed qalalaaso ayey ka abuuri karaan Jubbooyinka sida ka dhacday degmooyinka Sh/hoose.
Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in hawlgalkii dagaalka Jubbooyinka uu waxoogaa hakad galay kadib markii ciidamada Sierre Leone ay ka cago jiideen in ay saanad u geeyaan ciidamadda AMISOM ee Kenya ka socda ee iyagu furunta ku sugan, arintan ayaa sababtay in ergeyga qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay uu safar deg deg ah ku tago maanta magaalada Kismaayo.
Ciidamada AMISOM ee ka socda Sierre Leone ayaa ku micneeyey hakadka ay geliyeen howgalkooda in aysan wax amar ah ka heysanin taliska guud ee ciidamada AMISOM ee Muqdisho.
Maamulka Jubba ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in khilaafka Ciidamada AMISOM la xaliyey kadib kulankii ay la qaateen Nicholas Kay, maamulka Jubba sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka uu soconayo.

Salaanmedia/Mogdisho