Khilaafka siyaasadeed ee ka oogan Somaliland iyo saaamaynta uu ku yeelan karo aqoonsiga ay raadinayso, xasiloonida dalka iyo kalsoonida beesha caalamka

maqaal

Khilaafka siyaasadeed ee ka oogan Somaliland iyo saaamaynta uu ku yeelan karo aqoonsiga ay raadinayso,  xasiloonida dalka  iyo kalsoonida beesha caalamka 

Somliland waa dal aan aqoonsi haysan oo beesha caalamku aanay weli ka aqbalin dawlad nimada ay ku dhawaaqday muddo haatan laga joogo 23 sano. Marka si qoto dheer loo darso caqabadaha hortaagan citiraafka Somaliland waxa lagu soo ururinkaraa arrimahan hoos ku xusan 

  • Caqabadaha haysta citiraafka guduha: waxa la odhan karaa Somaliland inta ay ka raadinayso citiraaf beesha caalamk waxa ka horraysa inay citiraaf ka hesho beelaha soo hoos gala xuduudaheeda, kani waa shardiga ugu weyn ee markasta hortaagan aqoonsiga Somaliland oo beesha caalamku ay ku celceliso in beelaha somalilandd ay marka hore ku soo heshiiyaan inay somalia ka go’aan iyo in kale. Xataa beelaha ayagu ku qanacsan inay Somaliland ka go’do Somalia inteeda kale, ayaga lagtoodu weli aqoonsi buuxa umaha hayaan dawladda ay dhisteen, taas waxaan uga jeedaa ma aaminsana qaranimo ee waxay aaminsanyihiin qabiil mana jiro ilaa iyo hadda qaran taabbo galay oo ka xoroobay qabiil oo ku tallaabsaday hanaaan dawaldeed ku qotoma sharciyad loo wada hogaansanyahay.  Inkastoo Somaliland ay ka qabsoomeen dhawr doorasho oo ay tartameen axsaab qaran, haddana markasta waxa ka dhexmuuqday qabiilka oo calanka u siday axsaabta tartamaysay. Hogaamiye dhaqameedka beelaha ayaa ku kala dhexjira xukuumadda iyo shacabka waxaanay ku hadlaan luuqaddii siyaasiga oo isagu ku kaaftoomay in loo kala turjomo shacabka. Waxaynu odhan karnaa arrimahan waynu iska indho tirnaa inta badan oo waxaynu ku marmarsoonaa dunidu qaranimada somlaliland ma aqoonsana halka aynaan inaka lafteeno aqoonsan qaran nimo ee qabiil ka door bidnay. 
  • Caqabadaha hortaagan citiraafka dibadda: aqoonsiga caalamiga ah waxa la helaa marka aad dhamaystirato shuruudhaha lagugu xidhay ama daw ha kugu ahaadeen ama xujo ha kugu ahadeene; waxaana kow ka ah inaad leedahay xuduud sugan, calan soocan iyo bulsho diyaaar u ah inay qaran madax banaan noqoto. Intaa marka laga helo  wadan waxa laga rabaa inuu muujiyo hanaan dawladeed oo ku dhisan sinaan, cadaaalad, xasilooni iyo nabad gelyo. Doorashadu waa hab ka turjumaya in wadankaaasi ka guuray nidaaamkii ku salaysna beelo is xukuma oo had iyo goor uu ka dhex curto iska horimaad iyo loollan qabiil oo inta badan isu roga dagaal dhiig badani ku daato. Marka la helo dawlad ku dhisan sharciyad qaran oo dhawrsoon loona wada hogaansanayahay waxa kala badbaada beelaha oo inta badan ku foogan damac xukun-doon  ah iyo dal ballaadhsi. Beesha caaalamka lagama baryo aqoonsiga ee waxa la tusaa wax ay  kugu aqoonsato, sidaaa datreed waxa la odhan karaa 80%  ma hayno waxii aynu aqoonsi ku heli lahayn. Dantaada haddii aad waddo khaldan u marto lagama yaaabo inaad gaadho muraadkaga.

 Somaliland maanta waxa ku soo kordhay dhibaatooyin hor leh oo dhaawac gaadhsiin kara xasiloonida dalka haddi aan si fiican looga gaashaaman. Shacabka reer somaliand 90% waaxay aaminsanyihiin in khilaafkan siyaasadeed ee uu wadanka la xasili waayay, ay abuurtay xukuumadda hadda talada haysa waxaana caddayn u ah arrimahan soo socda 

  • Waxa la saluugay habka ay xukuumadda u maamushay doorashii golaha deegaanka oo cabashadii ka timi ay xabbad kaga  jawaaabtay ilaa iyo haddana aan wax xal ah lala gaaadhin dadkii ku waxyeelloobay  falkaas arxan darrada ahaa. 
  • Waxa xukuumaddu ay takoortay siyaasiyiin miisaan culus ku lahaa dalka oo waliba ah kuwii ku soo tabcay xisbiga imika talada haye ee KULMIYE . siyaasiyiintaas oo u badan mujaahidiintii u soo halgamay dalka waxay ay amaysteen gole la magac baxay MADASHA. Shacab weynaha reer Somaliland may garwaaqsan in mujaahidiinta sidaas loola dhaqmo oo siyaaasdda dalka laga caydhiyo lana takooro. 
  • Waxa khilaaf burburiyay xisbigii talada dalka hayay oo ilaa iyo hadda u kala fadhiya laba garab oo tahli kari waayay in uu shirkiisii golaha dhexxe qabsado kaas oo dhawr jeer la muddeeyay hase yeeshee qabsoomi kari waayay khilaaf awgii. Waxaaana ka horreeyay shirweynihii oo muddo ka badan sanad ay ku qaadatay inuu qabsoomo. 
  • Fara gelinta qaawan ee xukuumaddu ku hayso golayaasha sharci dejinta; wakiilada iyo guurtida oo  markay  ogaatay inay lumisay kalsoonidii shacabkii doortay ay hadda cimri dherer dartii bilowday carqalad iyo xaalad aabuur si aakhirka ay u hesho muddo sharci darro ah oo ay dalka sii xukunto. 
  • Mooshinno qulub iyo qas lagu abuurayo oo qarash badan lagu bixiyo kuwaas oo danta laga leeyahay ay tahay in lagu khalkhliyo aminga dalka si aan doorasho u qabsoomin 
  • Xukuumaddu waxay si toos ah isu hortaagatay in la ansixiyo gudida doorashooyinka si aanay shaqadooda u bilaabin oo wakhti uga luma doorashaduna ay markaas dib u dhacdo. 

Arrimaha iyo kuwo kale oo jira waxay iftiiminayaan xaalaadda dhabta ah ee dalku ku suganyahay, beesha calamka ee inaga caawisa doorashooyinka oo markii hore ina koolkoolin jirtay  ayaa hadda u muuqata mid inaga xiisa jabtay oo khliaaafkeena ku daashay, waxaana muuqata inay  hoos u dhacday kalsoonidii caalamku inagu qabay. Wadamada daneeya Somaliland ayaa hadda ka walaacsan khilaafka ka soo cusboonaaday dalka ee ku salaysan doorashada waxaanay aad uga yoolsan yihiin wasiirada xudkuumadda talada haysa oo qaarkood in badan dunidu ku eedaysay xadgudub saxaafadda ah, xagjirnimo, xatooyo iyo musuqmaasuq ayaa haddana lagu eedeyanayaa inay hurinayaan dab colaaadeed iyo xalilooni darro halkii ay wadanka doorasho ka dhici lahayd 

Wadamada daneeya somaliland, deeqbixiyeyaasha iyo guud ahaanba beesha caalamka ayaa hadda go’aaansatay inay si toos ah cadaadis u saarto xukuumadda hadda talada haysa waxaana dalka ku soo fool leh wafti caaalami ah oo u socota arrimaha doorashada taas oo qorshaheedu yahay in aan doorashda la carqaladayn ee wakhtigeedii la qabto xukuumaduna joojiso wakhti lumiska iy rafashada. 

Haddii doorashadu ku qabsoomi weydo wakhtigeeda, waxa hubaal ah in dhaawac  weyni soo gaadhayo xasiloonida dalka,  kalsoonida beesha caalamka iyo aqoonsiga aynu  raadinayno intaba.

By: Cabdixakiim    Muuse     Cali