Kulan Siyaasadeed ay isugu yimaadeen Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani UK iyo Laanta West Midlands oo ka dhacay Magaalada Birmingham.

Kulan Siyaasadeed ay isugu yimaadeen Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani UK iyo Laanta West Midlands oo ka dhacay Magaalada Birmingham.

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa shalay ooy taariikhdu ahayd 25/10/2014 ka dhacay kulan siyaasadeed si heer sare loo soo agaasimay kulankaa  oo dhexmaray Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani UK iyo madaxda laanta West Midlands gaar ahaan magaalada Birmingham, kulankaa oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha  Xisbiga Waddani ee UK Mudane Xuseen Aadan Cade, Xoghayaha guud  Khalid Axmed Cismaan, Gudoomiyaha Abaabulka laanta South East London Maxamed Qawdhan (Yolac) iyo Gudoomiyaha Garabka Haweenka Saynab Ismaciil Maxamuud (Qurjuf).

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wafdigaa oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Birmingham iyagoo  indho indhayn ku sameeyey xafiiska xisbigu ku leeyahay magaalada, sidoo kalena la kulmay taageerayaasha, xubnaha iyo masuuliinta xisbiga  Waddani ee Midlandska.

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirka waxa furay Gudoomiyaha Xisbiga ee Laanta West Midlandska Mudane Mustafe Haaruun C/laahi, sida caadada ahna waxa lagu furay aayadaha qur’aanka  kariimka ah waxana  akhriyey Mudane Cilmi Maxamed (Cilmi Dheere)  kadib waxa warbixin kooban si guud  halkaa ugasoo  jeediyey Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Keyse C/laahi Cawad iyo xoghayaha Xisbiga Mudane Dalmar C/laahi Diriye iyagoo labadaa mudaneba isla qireen  inay bilaabeen hawlaha diiwaangelinta xubnaha xisbiga ee West Midlanska, bilaabayna uruurinta dhigaalka bilaha ah ee xisbiga iyo weliba qaybinta membership cardka ay xubin waliba xaqa u leedahay ka dib marka si buuxda loo  diiwaangeliyo.

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa kaloo shirka ka soo qabgalay muden Maxamed Hussen Faarax oo ah musharaxa utaagan xisbiga waddani ee gobalka sool dagmadiisa Oog, kaasi oo sifaah faahsan nooga waramay dhamaan dalka iyo xaalada dadwaynaha gobalka Sool iyo waliba dagmada uu musharaxa uyahay.

 

4Mudanayaashi goobtaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Xoghayaha Siyaasada Xisbiga ee heer Qaran Mudane Maxamuud Raage Ibraahin isagoo halkaa ku soo bandhigay warbixino dhinacya badan taabanaya, xusayna nasiibdaro in shirkada Saladin Security Company oo fadhigeeduyahay magaalada Muqdisho ay dhawaan ku guulaysatay  tababarida iyo maamulida ciidanka loogu magacdaray Oil Protection Unit, kaas oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo kusoo saaray digreeto aan habayaraatee golayaasha qaranku  ansixin,  iyadoo ay dareen mugle ka muujiyeen muwaadiniinta  kunool deegaanada shidaalka laga baadhayo. Xoghayuhu wuxuu ka digay aafada iyo dhibaatada ka imankarta ciidamadaa habayaraate aanay golayaashu ansixin iyadoo la ogyahay dhibaatooyinki hore ee ka dhashay ciidamada RRU, xoghayuhu wuxu hoosta ka xariiqay in Somaliland leedahay ciidamo military, police iyo nabadsugid sugi kara nabadgelyada muwaadiniinta iyo shakhsi kastoo ku nool gudaha dalka Somaliland.

Ugu danbayntii waxa shirkii soo gunaanaday Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee UK Mudane Xuseen Aadan Cade isagoo warbixin guud ka bixiyey xaalada xisbiga ee UK, walaac weyna ka muujiyey faragelinta iyo weerarka qaawan ee dawlada Kulmiye kusoo qaaday Golaha Wakiilada kaasoo ay ku doonayso inay dib ugu dhigto doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan June 2015 ka sidii horeba ay dawlada Kulmiye u balanqaaday inaan maalin keliya loogu daridoonin marka xilkoodu dhamaado..

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Xoghayaha Waddani West Midlands.

Dalmar C/laahi Diriye

 

 Waa Qalinkii

Fu’ad Araale iyo Abdirahman ( Buuni )