Kulmiye Wuxuu fasaqmay markii Mingiste, Kayse dhako daas , Talaabo, Qabo iyo Abdi fataax ay Tageerayaal u noqdeen.

Aslaamu calaykum
12Bani aadamka waxa ugu qaalisan ee u hug ah ee ifka inta uu nool yahayna lagu qiimeeyo waxa ugu qaalisan mabda’iisa haba khaldanadee , balse marka u qofka bani aadanka ahi u noqdo bilaa mabda aan jiho lahayn waxa u ka liita xita xayawaanka, tusaale ahaan, madaxweynihii hore ee Nalson Mendal oo ah halyeeyadii ugu qaalisana ee lagu xasuusto hal adaygnimda ayaa in ka badan 27 sano xabsi ugu jiray inuu mar uun ay xornimo ay helaan shacabkiisa madow ee koonfur afrika isaga oo si kasta loogu maaro waayay mabdaiisa xornimo doon. Marka siyaasadana waxa loogu jira waa mabda iyo in u qofku haddii u wax diido sixi karo isaga oo aan kolba guur guurin ama aan kolba u hayaamin xisbi siyaasadeed.
Haddba, Akhristow, waxa aan marka kasta la yaaba ragan aan magacyadooda aan kor ku xusay iyo kuwo kale oo badan oo nin hore maqaal uga qoray mar ku sheegay in ay siyaasadii somaliland iimanka ka qaadeen ayaa ah kuwii Cayda kulmiye dariiq kasta la tagnaan jiray ee qaar koodna ay gaadhsiiyeenba madaxweynaha somaliland ahmed silaanyo oo ahaa guddoomiyihii xisbiga kulmiye dalka ma soo geli karo iwm, halka qaar koodna ay xukumadii udub ee daahir riyaale iyaga oo xil ka raajicinaya ay qoraaladooda naqadineed la ogaa iyo wixii ay bulshada u tabin jireen, halka ay qaarna gaadheenba in madaxweynaha maxkamado la tiigsan doonan haddii uu london yimaadoba.
Waa yaabe, mar aan maanta booqday mareegaha ayaan isha ku dhuftay kuwii oo difaacaya Xukumada Silaanyo, oo kulmiye ma cid kale ayuu waayay oo difaacada marka kuwani ay u soo xayteen, daba gadoon adduunyo sow maaha?
haddba, anigu ma diidani in qofku u aragtidiisa cabiro iyo dareenkiisa siyaasadeed, balse waxaan diidanahay dhaqanka xun ee ay doonayaan inay bulshada ku talaalan ee guulwadnimo oo ah kan ay eeday xukumada silaanyo. waana dhaqan xun oo abuuraya keli talisnimo iyo in bulshadu ay noqoto dad aan aragti lahayn oo ay hagaan kuwa saaqiday oo calooshood la ciyaar ahi marka ay kolba arkaan kii shalay wax naqdinayay oo haddna maanta amaanaya ku shalay naqdinayay.

Haddba, aniga oo aad u ixtiraamaya xisbiga kulmiye waxaan u soo jeedinaya in ragaas aan kor ku soo sheegay hangool faraaryo leh is kaga qabtaan inta aanay xisbigiina dab dhex dhigin, waxaana iyaga leeyahay wajigiin gubaye dhaqan xumo siyaasadeed ayaad faafinaysaane inta aydaan waxba ka hadalin horta orda is dhegaysta oo dadka ka dhuunta.


Allah Mahad Leh

Saeed A dualeh
Uk.