Labadan xubnood midna ma buuxin shuruudihii distoorka ee komishanka ee Silaanyo ayaa wareegto diktator nimo ku soo gudbiyey Siciid Cali Muuse iyo Cabdi-qaadir Iimaan Warsame by Abdi Mustafe

MAQAAL
Silaanyo ha loogu dhaarto in shicibku ka diidanyey labadan xubnood Siciid Cali Muuse iyo Cabdi-qaadir iimaan Warsame  een shuurada komishanka doorashooyinka aan buuxin ee ha ogaado in uu dariiqii Siyad Bare ee diktator nimada ahaa marayo:
Mishkilada Silaanyo iyo madaxtooyada heysataa waxa weeye waxay u heystaan in aan caalamka lala socod siin awooda ay ku tagri falaan, iyo musuq maasuqa ay faraha kula jiraan iyo boobka hantida. Safiirada uu la kulmayaa ee ka kala yimi Ethiopia iyo Nairobi waa lala socod siiyaa talaabo wal oo qaldan oo Silaanyo sameeyo. Waxa ka mid ah labadan xubnood ee Xirsi ka dalbaday in uu Suleiman gaal soo diro oon midna shuruudaha komishanka doorashooyinka aannu buuxin aniga iyo rag kale ayaa u qornay safaraadaha oo u sheegnay in shicibka lagu qasbayo komishan u xada xukuumada doorashada. Madaxtooyada damiin miidhan baa isugu tegay oon waxba ka ogayn waxa loo qoro deeq bixiya yaasha iyo safaradahooda.Labadaa xubnood Siciid Cali Muuse iyo Cabdi-qaadir Iimaan Warsame labaduba waa shaqaale, Mid waa agaasimaha warfaafinta wasaarada arimaha dibada midna waa la taliyaha wadooyinka ee Xirsi oo midna sharci kuma iman ee xoog bay madaxtooyadu ku keentay.Xirsi iyo Silaanyo iyo Suleiman gaal ha loogu dhaarto in aan dulmigu guuleysan oo laga guuleysan doono. Waaba dad waa weyn ee khibrad yaraa miyaanay tariikhda aduunku soo maray la socon. Marka horeba waa qalad in laba nin oo ilmaadeer ah midna madaxweyne noqdo midna gudoomiyaha guurtida….Dhibaata deediina weynnu aragnaa, iyaga ayey se u xuntay oo lawada arkaa in aanay Somaliland daacad u ahayn taariikhdana meel xun bay ka gelaya.
Abdi Mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.com