LONDON MA WAXAY NOQOTAY CAASIMADDA SOMALILAND ? MISE KULMIYAA SHIR QARSOODIYA LONDON KU QABSANAAYA ?

calimaxamedbiixi2

Waxaan iminka ogaanay ,sir wayn oo ah , inay tahay LONDON caasimadda somaliland , tahayna meesha siyaasadeeda maamusha , sababtoo ah , LONDON waxay ahayd dalkii somaliland madax banaanida ka hor gacanta ,ku hayn jiray, LONDON waxay ahayd meeshii SNM lagu aasaasay ,LONDON waxay ahayd meeshii uu madaxwayne axmed siilaanyo ku noolaan jiray markii uu ahaa hogaamiyihii SMN ,iyo markii uu mucaaradka ahaaba , LONDON waxay tahay meesha uu ilaa iminka ku noolyahay ,LONDON waa dalka uu PASPORT kooda haysto ,LONDON waa meesha ay warbaahin teenu ka soo baxdo,(bbc+website yada+) , LONDON waa meesha siyaasi yiin teena iyo aqoon yahan keenu ku nool yihiin ,LONDON waa  waa oo waa oo waa ………

Hadaba haddi uu madaxwayne axmed siilaanyo ,uu waxba ka keeni kari waayay LONDON ,kana dhaadhicin ka waayay LONDON , gooni isu taaga iyo inay ictiraafaanna somaliland , isagoo ku noolaa halkaa in 30 sano ku dhaw , isagoo ahna muwaadin reer LONDON ah , XAGGEE KALE EE UU MIDHO KA DHALIN KARI DOONAA ? ama wax u sheegi karaa ? ama wax ka ogaan karaa ?
Haddii uu shirkan iyo qorsha yaashiisa oo dhan aanu waxba ka ogayn , XAGGEE kale uu saaxiibo ku leeyahay.
Hadaba maxaa somaliland ugu dan ah ,inay LONDON noqoto caasimadda somaliland laga maamulo ,inta illaahay dunida badiyay .
LONDON iyo siyaasa deedu waxay maanta taagan yihiin ,idinka ( SOMALILAND ) iyo maamul goboleed yadu isku mid baa anaga noo tihiin .     
Shirkan maanta lagu qabanayo london , ee lagu magacaabay , waa shir ay isugu imanayaan , ganacsato doonaysa inay maal gashato somaliland .
Waa maxay shirkan ay ka wada qayb galayaan madaxwenihii dalka iyo 10 wasiir oo kale .
Hadaba xukuumadda axmed siilaanyo ,waa inay bulshada reer somaliland u caddaysaa ,waxa ay ka damac santahay shirkaniyo ujeedooyinkiisa ? iyo waxa uu dalka u soo kordhinaayo ?
Waa inay u soo bandhig taana siyaasad cad oo la fahmi karo ,lana garan karo ,MAXAY TAHAY SIYAASADDA ARIMAHA DEBEDDA  uga meel yaala ,iyo barnaamij keeda ku wajahan ,ictiraaf doonka .
Bulshada waa in laga saaraa jaah wareerka siyaasadeed ,shakiga .
waa in  ay kala ogaadaan ,caasima dooda laga maamulaa ma LONDON ,mise waa HARGEYSA …madaxway na hoodu ma nin ingiriis ah bay doorteen ,oo ku soconaaya waxay LONDON u soo jeediso ,mise waa muwaadin reer SOMALILAND ah ,oo muwaadiniintii u codaysay ,wixii ay ugu codeeyeen fulinaaya ,una adeegaaya danaha bulshada reer SOMALILAN ,waxay u baahan yihiina u qabanaaya ,siyaasadda qaran kanu lee yahay iyo gooni isu taagiisa ka shaqaynaaya ,iyo ictiraaf u raadiskiisa .
shirkan ganacsi ku magacaab ka ahi, muxuu shirarkii hore ee aan laga warami jirin kaga duwan yahay ? ama kaga duwanaan doonaa ? ama soo kordhin doonaa ?
XUKUUMADDA WAR CAD AYAA LAGA SUGAAYAA IYO FAAHFAAHIN.
Xukuumadda xisbiga kulmiye heshiisyo badan ayeydunida la soo gashay , ilaa iminkana mid qudha baarlamaanka may hor keenin, xiligeediina waaba gabaabsi 
Bal hadaba shirkan xukuumaddii kala badhkeed marayaan , shicibka haw waranto 
MISE XISBIGII KULMIYE AYAA SHIR QARSOODIYA LONDON KU QABSANAAYA
illaah baa mahad leh