London oo Ay Ka Dhacday Xaflad Balaadhan oo Lagu Taageerayay Go’aanadii Shirweynaha Dawlad degaameedka Soomaalida Ethiopia.

London (SM) 14/10/2014 Waxaa Magaalada London Lagu Qabtay Xaflad Weyn oo si Qurux Badan loosoo Agaasimay taasoo ka dhacday mid ka mida hoteelada ugu waawaynLondon oo lagu magacaabo Diamond Hotel iyadoona Xafladan oo lagu taageerayay Go’aamadii ka soo baxay Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI ee ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Nogob ee magaalada Fiiq ay soo agaasimeen ururka Horumarinta Soomaalida Itobiya laantiisa London.

Hadaba Xafladan Ayaa Lagu Taageerayey XDSHSI Guusha uu ka Gaadhay islaxisaabtanka, taabogalinta Horumarka, ahmiyadsiinta danaha shacabka iyo iskaashiga ururada uu bahwadaagta la yahay xisbiga DSHSI ayaa Waxaana ka Soo Qeybgalay Marti Sharaf kala Duwan,Ururka Jaaliyadda DDSi UK,Ururka Dhalinyarada UK,Ururka Haweenka UK iyo Ururka Hormarinta Somalida itoobiya iyo Waxgaradka Ugaasyada Siyaasiyiinta iyo Fanaaniin badan oo caan ka ah Cariga ingiriiska oo ay hormuud u ahayd Nimco yaasiin Carale.

Waxaa Xafladan Quruxda Badan si heer sare ah u Soo Agaasimay Ururka Hormarinta somalida Itoobiya ee Uk. Xafladan ayaa Waxaa ugu horayntii Ka Hadlay Gudoomiyaha Jaaliydda DDSi Mudane DR Nuur oo u Mahad Celiyay Masuuliyiinta Xaflada Quruxda Badan Ee Lagu Taageerayo XDSHSI ay Soo Agaasimeen Waxaa kaloo Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Marwo Sacdiya Cabaas oo sheegtay in xisbiga talada deegaanka haya maanta uu yahay ka horseeday abuurida xidhiidh wanaagsan oo ka dhex abuurma Qurbajoogta islamarkaana 4tii sano ee ugu danbaysay taabogaliyay Horumarkii ugu baaxada waynaa ee Deegaanka,sidoo kalena salka u dhigeen Geesiyada Liyuupolice Xasiloonidii Deegaanka.waxaa kaloo Xafladaasi Ka Hadlay Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Jaaliyadda DDSI iyo Marti Sharaf Kale.

Dhanka kale waxaa Xafladaasi tele-conference kaga qaybgalay Masuuliyiin Ka Tirsan Xukumada DDSi Munaasabadaasi Lagu Xusayay XDSHSI Go’aamadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay Shirweynihii 8aad ee XDSHSI Guusha uu Gaadhay Waxaa ugu Harayntii Khadka Soo Galay Madaxa Xarunta Dhexe Ee XSHSI Mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi. oo Sharaxaad Dheer Ka Bixiyay waxqabadkii xukuumada maanta talada haysa Afartii Sano Ee Lasoo Dhaafay jihooyinka siyaasadeed iyo Qorshayaasha horumarineed ee XDSHSI hiigsanayo,isla-halganka xubnaha xisbiga iyo islaxisaabtanka maamulka saxar-tiran ee nidaamka hogaaminta shacabka iyo go’aanadii ka soo baxay Shirwaynihii Xisbiga Guusha uu Gaadhay XDSHSI, Madaxa Xarunta Dhexe Ee XSHSI Mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi.

Khudbadiisa oo Aad uu Dheereed Ayaan Qoraal Lagu Soo Koobi Karin Waxaa kaloo Khadka Soo Galay Wasiirka Madaxtooyada DDSI Mudane Axmed Maxamed Shugri. oo Aad uga Mahad Caliyay Jaaliyadda DDSI Ee Ku Dhaqan ingariiska UK Sida Quruxda Badan Ay Xafladan u Soo Agaasimeen ee Lagu Taageerayo XDSHSI Guushii uu Gaadhay.

Waxaa kaloo Lagu Marti Qaaday Xafladan oo kaalin xoogan ka qaadanayay dhanka madadaalada iyo baaarujinta hal abuurka maansada Fanaaniin Aad loo Jecelyahay oo ay ka mid ahaayeen Nimco Yaasiin iyo C/khaalaq sidoo kalana Abwaan Siciid ilko-jiir ayaa Gabayo wadaniyadeed ka soo jeediyaya Munaasabada.

Salaanmedia/London