MA HADHIN HADAL LA IS YIDHAAHDAA, DADKU WAA WADDANI, DALKU WAA WADDANI BY FAISAL FARAFIDIYE

Faysal

Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh meel kasta oo ay joogan waxaanaanku salamayaa salanta islamka ee ASALAMU CALAYKUM.
Waxaan halkan ka boogaadinayaa, hambalayanayaa, soo dhawaynayaa dadwaynaha gobalada galbeedka { Gabilay, Selel iyo Awdal } sidii hagar laanta ahayd iyo misaanka culus ee ay kula soo bireen xisbiga Mucaaridka ah ee waddani, waxaanaan leeyahay soo dhawaada saxiibayaal ku soo dhawaada badbaadinata qaranka oo aynu min bari ilaa galbeed gacmaha is qabsano oo bad baadino qarankan uu Kulmiye jarka ka sii tuuray waanu idin sugaynay oo waanu idin tawnay haddii anu nahay Reer waddani in maanta intii naga maqnayd isa soo kaya barbar taagto.

Waxaan si culus u canbaaranayaa in xukumadu maanta tidhaahdo la xusi maayo shuhadadii SNM ee iyaku dhaliyay guushan iyo gogoshan aynu ku fadhino[ Somaliland} calaamadkaasi wuxuu markhaati ka yahay taliskan gabalkiisi sii dhacayo, waxaanu ku boorinaynaa dadwaynaha reer Somaliland inaan dheg jalaq loo siin qorsha yaashay ay maleegayso xukumadan gabalkeedu sii dumayo qorshayaasha ay hadda wado iyo kuwa soo socdaba ee ay cimrigeed ku dheeraysanayso.

Waddankeena in khayraadkiisa laga faaiidayso maal gashina lagu sameeyo waa wax aad u fiican oo lagu farxo. lakin waxay arintu xumaanaysaa marka bal marto shurcdii iyo hayadihii loogu talagalay inay ilaaliyaan khayradaas, waxaanay noqonaysaa dano shakhsi ah oo aan faaiido qaranka ugu jirin.
Siday xukumadeenu u maamulayso khayradka iyo maalgashigan waa arin ay wataan kooxi
1. maamulkeeda waa koox gaar ah
2. shirkeedana waxaa ka qayb gala koox gaarah
3. Heshiskeedna waa koox gaar ah
4. Saxeexeedan waxaa leh koox gaar ah
5. Ogaanteedana waxaa leh Koox gaar ah
Shirkan Ingriska ka dhacayan wax uu la midyahay arimahaas aan kor ku soo xusay ee ay wataan kooxdaa garkah, ma arko wax faaiido ah oo buuran oo qaranka Somaliland ugu jiraa.

DHAXALKA AY XUKUMADAN GABALKEEDU SI DHACAYO KA TEGAYSAA

1. MIDNIMADII OO BURBUTAY
2. QABYAALADII OO DABARKA GOOSATAY
3. BOOB BAAHSAN OO SAAMEEYAY HAYADIHII DAWLIGA AHAA OO DHAN
4.DALKII OO U RAHMAN SHIRKADO DILAALIN AH OO DALK BOLG YOO U QAYBSADAY
5 IS DHEX YAAC MAAMUL OO AAN MADAX IYO MINJO KALA LAHAYN
6. DACWADO QARNKA KAGA SOCDA DEBADAH OO SHIRKADO KU SOO OOGEEN
7 MAMUL GOBOLEED KA TIRSAN SOMALI MARKA LA EEGO DHINACA DIBLAMASIYADA DEBADA
8. AAMIN DARO DINAC CAALAMKA

XAALKEENU WAA AYAX TEG ELNA REEB.

MAXAA XAL U AH QARAN HALKAAS MARAY;

1. BAD BAADO QARAN OO AH ISBEDEL SIYAASI AH KAAS OO KU YIMAADA DOORASH XOR AH OO XALAALAH WAKHTIGEEDAN KU DHACDA.
2. SIYAASA HAYIIN AH OO QUNYAR SOCODAH OO DIB ISUG KEENTA SHACBI WAYNAHA SOMALILAND EE MADMADOWGU SOO KALA DHEXGALAY.
3. HOGAAMIYE HAYIIN AH OO QUNYAR SOCODAH OO KHIBRAD HOGAAMIYE NIMO IYO MID DIBLAMAASIYADEED LEH

Maanta waxaa qarankan bad baadin kara XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDAN, xisbigaas oo siyaasadiisu tahay hayiin qunyar socod ah oo aynu odhan karo isaga ayuunba maanta dalkan iyo dadkan kale irdhoobay dhinaca siyaasada tuhunaduna soo kala dhex galeen dib isugu soo toli kara.
XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI waxaa u sharaxan hogaamiyihii uu maanta qarankani u bahnaa oo ah hogaamiye hayiin ah oo qunyar socod ah diblamaasiyad iyo khibradii dheertahay taas oo aynu aragnay intii uu diblamaasiga ahaa iyo intii uu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo sida uu dalkan uga bad baadiyay inuu burbur siyaasadeed ku yimaado taas oo dad badani ku canaantaan inuu mucaaradad adag la yimaado oo isna markuu arkay ama uu ogaadaay inaan kooxdan dalka ka talisaa aanay u tudhayn dalkan iyo dadkanba oo dantoodu ku jirto burbur iyo qalaase uu gartay inaanay dantu ku jirin inuu la waddo taas ee uu ka door biday siyaasad debacsan oo uu wakhtigoodu ku dhamaado iyo doorasho shacabku goaamiyaan masiirka dalkan.
Tanaasulka Guddoomiye Cabdiraxman waxaa ka markhaati ah soo celintii xubintii komishanka ee sharci darada lagu soo celiyay oo door biday inuu xaqiisa ka tanaasulo sona bedelo xubintaas oo uu ka door biday ta qaranka oo ah in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Gebo gebadii;

Muddo badan baa nala sulaalay maxaydun qoladiina reer Waddani xal ah ee haysan waxaan filayaa inaad jawaabta kor ka akhrisn kartan.

ALLA MAD LEH

Faisal Farafidiye

Waddaniga dhabta ah