MAALINTA CARAFO , WAA MAALINTA SINAANTA ,CADDALADA ,WALAALTINIMADA ADUUNKA .

calimaxamedbiixi2

Maanta waxa la taagan yahay CARAFA , dadkii xahka wada tegey oo dhami halkaas ayey isugu (buurta carafa) yimaadeen oo illaahay (jalla jalaaluhu) ku wada caabudayaan , rasuulkiisiina muxamed (snk) ahaatee wada dabagaleen .

Halkaas (carafo) ayey dhar qudhana ka wada siman yihiin , midab kasta oo ay kala lahaayeenna , ama af kasta oo ay ku kala duwanaayeenba , ama jinsiyad kasta oo ay ka soo kala jeedeenba , (kuligood waxay wada leeyihiin: labbayka al=lahumma labayk . labbayka laa shariika laka labbay ….) . maalinta carafa , dadku ma kala laha ( kanaa boqor ah , kanaa madaxweyne ah , kanaa amiir ah , kanaa taajir ah , kabaa faqiir ah , kanaa nin ah iyo tanaa dumar ah  ) , kanaa madaw , kanaa cad , iyo kanaa cas toona ) .
Dadku maalinta carafo way wada siman yihiin ,
 miyaanay ahayn arin layaab leh oo wax laga barto ?
 waxna lagu qaato ? 
14 qarni ka hor ayey diinteenna islaamka ah ee suubani siday inoo sheegtay , oo tidhi (cid cid ka saraysaa ma jirto , cid cid kale ka fadli badani ma jirto , ee waxa qudha ee lagu kala sareeyaa waa taqwada ilaahay ) , 
Qawaaniintan iyo shuruucdan iminka ummadaha kale samaysteen , ammadda muslimka ahi muddo dheer ka hor ayey ku dhaqmaysay .
Diinta islaamku qofka banii aadamka ah , way qiimaysay , waanay karaamaysay , xuquuqdiisana way sugtay .
Laakiin maanta waxa dunida muslimka ka jira dhibaatooyin fara badan oo dulmigu ka mid yahay (adoonsi , dagaalo,jahli , faqri ,xagjirnimo aan islaamnimo ahayn ) . 
Dunida muslimka waxa soo martay sinaan badan iyo hoggaamiye yaal badan oo kala duwan , oo qaarkood kurdi ahaayeen sida (salaax al-diin al-ayuubi) , nuuradiin al-turkumaani , qudus al-mamluuki , maxamed al-faatix iyo qaar kale oo badan .
Maalinta CARAFO na waa ka markhaati , in diinta islaamka dadku wada siman yihiin .
Hadaba maalinta carafo , maxaynu wax uga baran weynay ?
Maxaynu ugu dhaqmi weynay sidaas oo kale ?
Maxaynu wax uga qaadan weynay ?
Duruusta badan ee ay leedahay maalinta carafo maxaynu ugu dhaqmi weynay ?
Maxay dadku carafo ugu dhoofaan , haddii aanay waxba ka soo baranayn ?
Hadaba haddii aad carafo istaagtay oo aanad waxba ka soo baran , hadday tahay dhinaca akhlaaqdaada ama dhinaca dhaqankaaga , ama  dhinaca caqligaaga iyo garaadkaaga , waa kuu ayaan darro .
Haddii aanay maalinta carafo noloshaada wax ka bedelin , waxaad tahay qof indha’la , oo dhego’la ,oo weliba qalbiga iyo caqliguba xidhan yihiin .
Maalinta carafo , waa maalin duruus badan xanbaarsan , ee wax ka baro . ilaahayna ka bari inuu ku fahan siiyo .
Illaahayna jalla jalaalihu dadka muslimiinta ah , haka aqbalo xajkooda (aaamiin)
Xaj mabruur wasacyin mashkuur .
WA CIID MUBAARAK ,WA KULLU CAAM WA ANTUM BIKHAYBÂ