Maamulka Jubba oo ka digay in ciidan ka socdo Sierra Leone la keeno Gobolada Jubbooyinka

timthumb

Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa wuxuu si xoogan kaga horyimid in Ciidanka Militariga ee Sierra Leone la keeno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, xilli askari Somaliya loo soo waday laga helay cudurka Ebola.

Ciidamada Sierra Leone waxay qayb ka yihiin Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, iyagoona Gobolka Jubbada Hoose kala hawlgala Ciidanka Difaaca ee Kenya, oo sidoo kale qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Ciidamada Sierra Leone ee Magaalada Kismaayo ku sugan, ayaa waxaa la gaaray xilligii loogu talla galay inay dalka jooggaan, waxaana la jooggaa waqtigii la bedeli lahaa, waana taa midda keentay in la diyaariyo Ciidamadii lagu bedeli lahaa. Laakiin mid ka mid ah askartaasi waxaa lag helay Virus-ka Ebola.

Ku Xigeenka Madaxa Maamulka Jubba General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa wuxuu sheegay inay khatar ka dhalan karto, haddii guutadii uu askarigaasi ka tirsanaa la keeno Gobolada Jubbooyinka, wuxuuna ku baaqay inaan dalkaba la keenin.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Ciidamada Sierra Leone ee xilligaan ku sugan Gobolka Jubbada Hoose, ay sii jooggaan, ilaama ay wax iska bedelayaan xilligaan adag oo dunidu ay ka wada qaylineyso cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Isagoo maanta Saxaafada kula hadlaayay Magaalada Kismaayo, ayuu sheegay inay amuurtaan ku wargeliyeen Dowladda Federalka Somaliya, Caalamkana ay iminka u sheegayaan, khatarta ka dhalan karta, haddii askarta Sierra Leone loo soo daabulo Magaalada Kismaayo.

General Fartaag, ayaa wuxuu ku celceliyay in muddooyinkaan dambe uu cudurka Ebola fara kulul ku haayo Caalamka, isla-markaana uu sas ku riday dunida oo idil.

Salaanmedia/Moqdisho