MAANSO DHULKU WAA DHULKAA-GII

25 / 3 / 2013 

waxa  aan  salaamayaa  war  baahinta

madaxa  bannaan.

MOHOLIN

maansadani  waxa  ay  soo  baxday  taariikhda

kor  ku  xusan. balse  waxa  aad  mooddaa

in  ay  maanta  kaga-sii  habboontay.

 

Dhulku  waa  dhulkaagii

 

Kan  dhadhama  ugaariyo

Dhufsashada  udiranee

La  dhex  jooga  qaran  kaw

Dhulku  waa  dhul kaagii

.

Dhca  iyo  wax  boobkaa

Dhaayahan  arkaa  yee

Dhiciyaba  lahaynow

Dhulku  waa  dhulkaa  gii

.

Dhegahaa  maqlaa  yee

Ka  dhiilada  idiin  sida

Ka dhegay  sanaa  yaw

Dhulku  waa  dhulkaagii

.

Dhudhumadan  ordaa  yee

Xalaashaba  dhan  keedii

U dhaqaaqi  karinaw

Dhulku  waa  dhul kaagii

.

Carrab  kaa  dhurmaa yee

Wanaagaba  ka  dheeraw

Haddaad  dhawrsan  weydana

Dhulku  waa  dhul kaagii

.

Farahaa  dhigaa  yee

Dhexda  qalinka  haystow

Haddaad  dhinac  u badatoo

Usinnaanta  dhaaf  tana

Dhulku  waa  dhulkaagii

.

Inta  dhuraha  haysee

Dheriguna  agyaa  law

Kii  dhici  yay  kuu  dhalay

Hadduu  gaajo  dhuubtana

Dhashu  waa  dhashaadii

.

Inta  aan  ka  dhiidhiyin

Markay  dheeliyay  see

Dhiigoodu  culus  yaw

Dhulku  waa  dhulkaagii

.

Hiil  dharaarta  uu  rabo

Dhexda  kaan  u xidhnee

Dhidid  kuna  sibraha  qoyn

Ku  dhabcaala  xoogaw

Dhulku  waa  dhulkaa  gii

.

Ka  qurbaha  dhakaaree

Dhilashada  caleen  tiyo

Usoo  dhoofay  hadal  kaw

Haddaw  jeedisaan  dhabar

Dhulku  waa  dhulkaa  gii

.

Dhirta  kaa  garaacee

Dhuuni  kale  inuu  jiro

Ka  dhaadhici  karay  now

Shaqo  dhaanta  doonoo

Dhulku  waa  dhulkaa  gii

.

Dhaashane  walaal  kay

Dhib weyn  baanad  aragoo

Dhuun  cas  baanay  faqash  tii

Laabta  kaala  dhicinoo

Dhallaan  shalayabaad  tahay

Dhawr  sano  haddaad  tahay

.

Mid  ku  dhereg  usoo  baxay

Ha  ku  dhiiran  xaaraan

Dib  udhugo  fariin  tuu

LIXLE. Kuu  dhanbala  yoo

Dhulku  waa  dhulkaagii

.

Ujeedadu  dhammaan  teed

Dhab  waxay  uleedahay

Dhulku  waa  dhulkiinii

 

Maxamuud  cismaan  ( Moholin  )