Maanso..Naaguude daalan

31 / 10 / 2014

waxa  aan  salaamayaa  warbaahinta

madaxa  bannaan

 

NAAKHUUDE-DAALAN

Waa  keene  iyo  kordhiye.

Keene. Waaryaa kordhiye  saaxiib  waxa  aan  ku  weydiiyay.

Wixii  kulmiye  gebiilay  ka  qabsaday  ma  arkaysay.

Kordhiye. Saaxiib  weli  ma  dhodhowa.

maanso

Waxa  layidhi   nacasku  marka  loo  dulqaato  fariid-buu ismoodaa . dabeed  marka  uu  joogsan  garan  waayo

Ayaa  khasab  lagu  joojiyaa.

Keene. Saaxiib  Mar haddaad  ila  arkaysay  calankii  kabaha

Lagu  baalashee-yay . warku  waa  kugu  dhanyee

Miyaad  afartii  inoogu  tuuri .

Kordhiye. Saaxiib  ku  soo  dhawoow.

Udub-buu  kaddari  maan  lahayn

Doorkan  maanta  ahe.

Denbibaan  ka  galay  niman horay

Kanu  duleeyeene.

Dar  mujaahid  aan  moodayaa

Duud  waraaba-lehe.

 

Doorkoodi  oon  weli  dhammaan

Kaa  is  darayee-yay.

Dildilaac-shay  calankuu  lahaa

Ee  kab  lagu  duugay.

Dila  iyo  gebiilay  miyaa

Digada  raacsii-yay.

Doqo  niino  kale  waa  weriyahaa

Jeelka  loo  diraye.

 

Waxan  daahir  loo  wada  arkee

Dunida  gaadh  siisan.

Ma  deyrkii  makuu  gubay hadduu

Inan  ku  sii  daayay.

Duqeydiyo  maxaa  reer  waddani

Uu  iyana  daadshay.

Dalanbaabi  dhaca  khalad  kalay

Si  dugsana  yaane.

 

Maxaa  darajo  ceebaw-dayoo

Iilka  lagu  duugay.

Maxaa  dawlad  sharaf-teeda  wacan

Raashin  laga  doortay.

Maxaa  door  nin  aan  moodi  jiray

Dacaw  yar  lee  kaaday.

Doonida  miyaa  uu  badweyn

Dikhilki  soo  liicay.

 

Naakhuude  daalani  miyuu

Diiday  kicintiisa.

Ma dareewal-kii  wadi  lahaa

Daacad  loo  qirayo.

Dekaddii  ayaa  taaganoo

Sugaya  doorkiisa.

 

Booli  quute  dabar  goyna-yoo

Qaranka  diifeeyay.

Iyo  yey  is  wada  dooratoo

Gole  usoo  deyrtay.

Doorashana  inaanay  ka  dhicin

Laba  diblaynaa-ya.

Iyo  deriska  shacab  ay  udhigi

Daawo  imad  keeda

 

Mahadnna  (ALLAA ) iskale

Guuleed  liibaan  (caynabo )