Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid oo markale eedeymo culus ujeediyay Puntland

image

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa markale eedeymo ujeediyay maamulka Puntland oo ay jaar yihiin Maamulka Galmudug ee ka dhisan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Cabdi Xasan Cawaale, ayaa Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay inay doonayaan fashilinta maamulka loo dhisaayo Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isaga oo taasi ku sababeeyay in Puntland ay dhaqaalo ku bixineyso curyaaminta maamulkaasi, waxaana uu tusaale usoo qaatay in dad waxmagarato ah sida uu yiri ay siineyso Puntland dhaqaale lagu lugooynaayo dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalaha Puntland ay ku bixineyso curyaaminta maamulka Gobolada dhexe inay siineyso raga isbaarada dhigta, kuwa kufsada haweenka oo dega sida uu yiri labada Gobol oo uu ula jeedo Mudug iyo Galgaduud.

Dhaqaalaha kasoo baxa dekada Magaalada Boosaaso ayaa loo adeegsadaa arimahaan oo dhan sida uu leeyahay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, wuxuuna cod dheer ku sheegay inaysan xaq aheyn in dhaqaalaha dekada Boosaaso oo gacanta Puntland ku dhaca in loo adeegsado bur-burinta maamulka loo dhisaayo Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa ka dhex-taagan xiisad ku aadan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo oo weli xal rasmi ah aan laga gaarin.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa ka careysan dhismaha maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo hada lagu howlan yahay, kaasi oo saameynaya deegaano kamid ah dhulka Gobolka Mudug ay ka maamusho Maamulka Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in maamulka loo dhisaayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud uusan saameyn ku yeelan doonin maamulka Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid, ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo shalay uu gaaray.

Salaanmedia/Mogdisho