Madaxweynaha oo si kulul uga hadlay qaraxii dhimashada iyo dhaawaca badan sababay ee Muqdisho ka dhacay

image Madaxweynaha oo si kulul uga hadlay qaraxii dhimashada iyo dhaawaca badan sababay ee Muqdisho ka dhacay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu si kulul uga hadlay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayada Oromo Coffee ee Magaalada Muqdisho ku taalo, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen. Xasan Sheekh oo ka hadlaayay munaasabada Maalinta calanka oo uu xalay uga qaybgalay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa intii uu khudbada jeedinaayay soo hadal qaaday qaraxa isaga oo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ururka Shabaab.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen dad gaaraayo 13-halka ay ku dhaawacmeen 18-ruux oo dhamaantood shacab ah sida uu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay ficilkaasi mid naxdin badan oo lagu soo beegay, xilli shacabka Soomaaliyeed ay u dabaaldegayeen maalinta calanka 12-ka Octoobar, isaga oo Madaxweynaha si dareen ah u sheegay in Shabaab cid ay ka naxayaan aysan jirin oo cid waliba ay laynayaan.

 

“Cadoowga si gaadmo ah ayuu baabuur qarax ka buuxa ugu qarxiyay goob maqaayad ah oo dadka shacabka ah oo shaqada ka yimid ay ku nastaan ama shaaha ay ku cabaan ilaa hada waxaa na loo soo sheegay inay dhinteen 13-ruux 18-qofna ay dhaawacmeen oo kuligood shacab masaakiin ah”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Hogaamiyaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay ficilada ay ku kacayaan Ururka Shabaab inay muujinayso rajo xumada iyo liidashada meesha ay ka mareyso, maadaama looga adkaaday dagaalka dalka Soomaaliya ka socda. “Weli waa nool yihiin cadaawadooda waxa ay daliil u tahay inaysan umadaan u naxeynin cadaawadooda waxa ay daliil u tahay sida ay dadka u laynayaan”Ayuu hadalkiisa intaasi ku daray Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan dulqaad ku aadan laamaha ammaanka dalka oo soo saaray barnaamijyo amniga caasimada lagu xaqiijinaayo oo ay kamid yihiin in damiin la weydiiyo dadka Magaalada soo galaayo. “Hay’adaha amniga Barnaamijyo ayeey keeneen oo maalmahaan ammaanka lagu sugaayay yaan la dhibsanin amnigeena ayaa ku jira cadoowgeena dabargoyntooda ayaa ku jira dhib malahan hadii adoo Magaalada soo galaayo lagu dhaho damiin keen taleefoon ayaa direysa hebel ayaa I yaqaano ayaad dhaheysaa”Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha dalka.

Salaanmedia/Mogddisho