Madaxweyne Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, kuna dhawaaqay in Shabaab laga saaray Buuraha Galgala

image

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu galabta shaaciyay in Ciidamada Puntland ay maanta si buuxdo ula wareegeen dhammaan fariisimihii ay Shabaabku ku lahaayeen Buuraleyda Galgala.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Magaalada Garoowe, ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay saakay ku dhaqaaqeen Buuraha Galgala, isla-markaana ay ku guuleysteen inay ka saaraan Ururka Al Shabaab, sida uu yiri.

C/weli Maxamed Cali, ayaa afka ku ballaariyay in Ciidanka Puntland aysan maanta u kala harin hawlgalkii ay gudaha ugu galeen sida uu sheegay Buuraha Galgala, wuxuuna meesha ka saaray in Xoogag Ajaaniib ah ay hawlgalku ku wehlinayeen.

Dr. Gaas, ayaa waxa uu ka gaabsaday inuu faah faahiyo khasaaraha ka dhashay dagaalka culus, ay maanta Ciidamada Puntland la galeen Shabaab, balse wuxuu sheegay inay dib ka soo faah faahin doonaan.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa jira warar sheegaaya in Xoogaga Puntland ay iska caabin kulul kala kulmeen mintidiinta Al Shabaab, iyadoona uu dagaalku sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac ah.

Ururka Al Shabaab, ayaan dhinacoodu ka hadlin dagaalka faraha looga gubtay ee maanta ka dhacay Buuraha Galgala, oo qiyaastii 40km ka baxsan Magaalada Boosaaso.

Muddooyinkaan dambe, ayaa waxaa si weyn loo hadalhaayay dagaal-yahanada Shabaabka, oo isu uruursanaayay Buuraha Galgala, waxaana dareen laga muujiyay weerar ay ku soo qaadaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Salaanmedia/Mogdisho