Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Faransiiska (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa maanta xarunta Madaxtoooyada ee Jamhuriyadda Faransiiska si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada ay Dowladda Faransiisku oo kursi joogta ah ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaalmada ay ka geysato ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha xag jirka ah ee umadda Soomaaliyeed kala dagaallamaya nolosha.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Madaxtooyada Faransiiska tan iyo markii ayt burburtay Dowladda Soomaaliya sannadkii 1991.

Ka hor inta aan labada Madaxweyne kulmin, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu salaam sharaf ka qaatay ciidammada Madaxtooyada Faransiiska.

Salaanmedia/Moqdisho

MadaxweynahaMadaxweynaha1Madaxweynaha2Madaxweynaha3Madaxweynaha4Madaxweynaha22

 

Â