Maddaxweynaha Soomaaliya Oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Suudaan+ SAWIRO

0da3ea11Oct 25,2015 Muqdisho(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Suudaan ay u soo magcaawday Soomaaliya.
691f0d3e
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Maxamed Yuusuf Cismaan oo kulan wadayeeshay ayaa waxa ay uga hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal iyo sidii dowladda Sudan ay u sii xoojn lahayd taageerada ay Soomaaliya siineyso oo ay ka midyihiin deeqaha waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed ka helaan dalkaasi.
08477710
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safaaradda Sudan ee Soomaaliya ay ka mid ahayd safaaradihii aan xirmin tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe, waxaana uu intaa ku daray in uu aad ugu faraxsanyahay in Muqdisho ay ku soo dhaweeyaan safiirka cusub ee dowladda Sudan u soo magacaawday Soomaaliya.
b83e800c
Safiirka cusub ee dowladda Sudan ee Soomaaliya Dajire Maxamed Yuusuf Cismaan oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay in warqadda aqoonsiga safiirnimo uu ka guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in Madaxweynaha uu u gudbiyay dhambaal uu uga siday dhigiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.
da45ad70e8d1b8dce8d1b8dcf26681a1f1b8972af1b8972af26681a108477710