Mar hadii ay Mugdi & Mad-madow galeen Doorashooyinkii is barkanaa Waa in sida ugu dhakhsaha badan ay Labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada JSL ay isugu yimaadaan shir Talo Qaran ah

maqaal

Mar hadii ay Mugdi & Mad-madow galeen Doorashooyinkii is barkanaa Waa in sida ugu dhakhsaha badan ay Labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada JSL ay isugu yimaadaan shir Talo Qaran ah.

Waxaa aynu ka wada dheregsanahay marxalada guud ee cakiran ee maanta uu dalku maraayo iyo in milgihii iyo midnimadii qaranimo ay luntey oo meesha ka baxdey. Waxaanu si mug-leh u-soo dhaweyneynaa oo utaageereynaa muwqif ah in talo qaran ay isugu yimaadaan  xisbiyada mucaaridka iyo madasha wadatashiga iyo toosinta qaranku si wadanka loo bad-baadiyo oo looga saaro mugdiga iyo marxalada madow ee uu hada ku jiro  loona  sameeyo time line ay ku dhacaan doorashooyinka is barkan ee  hada la majara habaabiyey si ay ugu  qabsoomaan waqtigii loogu talo galey oo ahaa  26/6/2015.

Sida aynu  wada ognahay  Maanta nidaamkan dalka ka taliyaa wuu fashilmey, waxaana uu hore ugu fashilmey Doorashadii Golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey dhamaadkii 28/11/2012. Bal hada nala wadaaga  fashilaadahan tiro beelay ee Xukuumada Siilaanyo ku fashilantey :

1- Iyada oo ay 8 bilood ay doorashooyinkii ka hadheen komishankii qaranka weli lama howl gelin

2- Xeerkii Diiwaangelinta ee xr 37 oo ilaa hada la isku tuur tuuraayo sidii kubada

3- Diiwaangelintii Madaniga aheyd oo lagu qalaxey Diiwaangelintii Codbixiyayaasha oo time line aan loo sameyn

4- Hayadihii qaranka ee hawshaa lahaa oo noqdey qaar ragaadey,xagal daacey, hagaasey oo balmarey hawlihii loo doortey

5-  Golihii wakiilada oo waqtigoodii dhamaadey oo noqdey Xildhibaano uu xaalkoodii noqdey mooshin ku nool xod xodanaaya oo xuuraaminaaya xoolo aan bireysneyn.

6- Golihii Guurtida oo waqtigoodii dhamaadey oo badankoodii ay noqdeen dan la-orad iyo dilaal kunool.

7- Cadaalad daradii oo xadka dhaaftey oo aan ilaa go’aanadii maxkamadaha loo fulineyn si cadaalad ah ama laga dhex leeyahayba cagta hoosteeda ayaad ku jirtaa.

8- Waxaa ubaahan in laga wada tashado oo maanta ummadda S/land ucadaatey oo ay indhahooda ku arkeen iyada oo Hantidii ummadda iyo Awoodihii dawladnimo loo isticmaalaayo in lagu wax yeeleeyo oo lagu fur-furo oo lagu kala qeybiyo midnimadii, wadarnimadii,walaaltinimadii iyo wax-wada lahaanshihii ka dhaxeeyey shacabka  walaalaha ah ee reer S/land, iyada oo welibana lagu cabudhinaayo awoodii dawladnimo Saxaafada  madaniga ah ee xorta ah ee S/land

9- Waxaa wadanka ku noqdey dhiig-bax aanu ka soo kaban karin oo ubaahan in laga wada tashado Dhaqaalaha Malaayiinka Dollar ah ee wadanka ka soo gala kheyraadka dabiiciga ah sida sahaminta  shidaalka, macdanta iyo liisamada la siiyo shirkadahaas, taas oo si gaar ah loogu tagri falo oo loo lunsado oo aan khasnada dawlada ku soo dhicin iyada oo weliba wixii heshiisyo lala galey shirkadahaa iyo ciidamada loo sameysanaayo midna aan la soo hordhigin hayadihii ku shaqada lahaa si ay muraadkooda uga gutaan.

10- Dhimashadii, dhaawicii, diiftii, dil-dilaacii,riiqdii, hitaaqadii, qeybsanaantii, qabyaaladii ay inagu reebtey Doorashadii xaqdarada iyo xaaraanta ku dhamaatey ee golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacey 28/11/12 oo weli inoo huursan oo aan waxba la iska weydiin.taas oo ku dhacdey sife xaaraan ah oo xukuumadu ay boobtey ilaadadii iyo foodkii shacabka si cadaan ah  sidaa daraadeed waa in laga wada tashadaa sidii dib la isugu aamini lahaa doorashooyinka isbarkan ee ka culeyska badan ee soo socda.

11- Nabadgelyo darada iyo arimaha cakiran ee gobolada bariga S/land waa in laga wada tashaadaa oo xal sugan loo helaa in taan la geyn Ciidamada OPU ee aan la mahadin..

12- Waa in laga wada tashadaa heshiisyada aan loo dhameyn ee lala gelayaalo Somaaliya oo hada ku soo ururey dhaqaale qaybsi aan xalibnaan, xisaabcelin iyo xisaabtan midna laheyn.

13-Waa in laga wada tashadaa xeerarka badan ee dastuurka qaranka ee wada qabyada ah ee ku soo wada dhamaanaaya xeer ayaa qeexaaya waa in meel la isla dhigaa qabyo tirkaa xeerarka dastuurka ee golaha wakiiladu ay gabeen ee ay ka gaabiyeen.

14-Waxaa ubaahan in laga wada tashado Xukuumadeena  dhinaca ka raran ee ay beesha dhexe isku koobtey mansabyadii iyo hayadihii duxda iyo iidaanka  lahaa.

15- Waxaa ubaahan in laga wada tashado Nabadgelyada guud ee qaranka oo aad hoos ugu dhacdey iyo siyaasada arimaha debeda ee wadanka oo madhaleys NGO ah  noqotey

16- Waxaa ubaahan in laga wada tashado dhamaan xeerarkii shaqo abuurka iyo maalgashiga  ahaa oo ay uheshiiyeen Xukuumada iyo golaha wakiiladu oo ay miiska hoostiisa geliyeen waxaana ka mid ah xeerarkaa xeerka batroolka, tamarta iyo macdanta, xeerarka maalgashiga iyo baabanka ganacsiga.IWM.

17- Waxaa ubaahan in laga wada tashado tahriibta iyo shaqo la’aanta ragaadisey dhalinyaradii iyo haldoorkii mustaqbalka ee wadanka oo shaqo abuur waayey.

18- Waxaa ubaahan in laga wada tashado habka aynu qaadaney ee ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen in aynu deysano in aynu bedelno mustaqbalka.

19- Waxaa ubaahan in laga wada tashado kuraasta baarlamaanka ee xildhibaana ku soo baxayo 1000 cod midna ku soo baxey 15,000 ee cod.

20- Waxaa ku haboon in laga wada-tashado sidii kuraas loogu kooteyn lahaa Haweenka wadanka iyo beelaha  laga tirada badan yahay oo labaduba dulman indhaha caalamkuna ku foogan yihiin waqtigan.

Waxaanu ka rajeyneynaa xisbiyada mucaaradka ah in ay kaalintii ay gabeen  ka soo baxaan oo ay sida ugu dhakhsaha badan ay ugu dhawaaqaan oo u-mudeeyaan waqtigii la qaban lahaa shir-weyne qaran oo ay dhamaan u-dhan yihii qeybaha bulsha ee S/land, shirkaas oo noqon doona dood cilmiyeed mug leh oo lagu lafo guri-doono laguna dersaayo xal-uhelidii dhamaan dhiilooyinkaa, dhibaatooyinkaa iyo caqabadahaa cakiran ee isdul-barkan ee ina horyaala ee aan kor kaga soo wada dhawaajiyey si xal kooda loo helo oo ay wadanka ugu soo  noqoto milgihii iyo midnimo qaran oo lagu kalsoon yahay.

Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)

Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq

Qalinkii A/rahman Fidhinle

Qoraa Madaxbanaan

Intensive ED BD PA

United Kingdom

London