Marka Wasiirka Tacliintu Dahabka & Farxada Maalqabeenada Dadka hodanka & Aqoonta iibka Xayaysiiso, Yaa umaqan Dugsiyadii iyo Barbaarintii Qarranka Danyarta Dalka?

Marka Wasiirka Tacliintu Dahabka & Farxada Maalqabeenada Dadka hodanka & Aqoonta iibka Xayaysiiso, Yaa umaqan Dugsiyadii iyo Barbaarintii Qarranka Danyarta Dalka?

Zamzam
ZamzamARAAR: Waxaynu Markhaati u nahay in intii Madaxweynaha Siilaanyo noqday aanay jirin Wax hogaan ah oo Dalka ka Taliya Manhaj Waxbarsho oo tayo leh Diin iyo dhaqan leh, Waxaa jira Fadeexado Waxbarsho Musuq maasuq iyo aqoondaro. Dalka ku habsatey, Marka laga tago Baahida Guud ee Dalka ka jirta Waxaa jira in Wasiirda Siilaanyo xushay aanay ahayn Dad wacyiga jira Marxalada iyo Heerka la marayo kuwo u qalma Xilalka ay hayaan. Dalkan oo ka soo doogay Dagaalo iyo Dibu dhac aqoonsi la aan, aanu u baahnayn in Kooxo ku hodmaan, AQOONTA oo laga dhigo wax ganacsi iyo iib lagu kala hororsado aqoonta oo inta hodanka maalqabeenada ahi wax barsho fiican keligood Xaq u lee yihiin.. inta Danyarta ah lagu Daadiyo Hospitlaska Dowlada. Inta Hodanka ahina Gasho Hospitaalo Cashuurdhaafyo iyo NGO Maalgeliyaan oo ay noqotay in qofka lacag Haystaa oo keliya noolaado. in Qofka Hodanka ahi Laydh helo oo ilmaha Danyarta ahi aanu Waxba akhrisan Habeenkii. Marka Laydhka iyo Tamarta Qof yeesho, Marka Biyaha Kooxi yeelto,Kolka Banks cidi yeelato, Marka Schoolada Kooxi Yeelato, Marka Hospitalska Kooxi yeelato, Marka wax dhisida Kooxi Yeelato ee Dawladu Guri laba qola dhisi kariweydo Qandaraas iyo Faa’iido uun ladaba ordo private, marka isgaadhsiinta iyo Shidaalka Faa’iido doon laga dhigo, Marka Dhulkii Oo dhan Maalqabeenada iyo Dadka hodanka ah la siiyo..
Waa Maxay Macnaha Xikmada Iyo waxa ay u tarayso ee uu Dowlada ku falayo ama dhadhanka ay qofka wadaniga ah u leedahay in dawladi jirto iyo in kale, Maxay Askariga iyo qofka shaqaalaha ah u taraysaa Mustaqbal ahaan mar Hadii guryihii shaqaalaha laga gadayo tujaar iyagana la xidh xidhayo haday hadlaan.
Siilanyo iyo Golihiisa Wasiiradu Waxay dileen Dowladnimadii Somaliland nimadii, Waddaniyadii, Siilaanyona maaha Shakhsi Wasiiradiisa kula Xisaabtami kara Danta Qaranka Marka laga tago Wasiirkii lagu eryey Muuse Biixi. Baad u jiibisey iyo Duur oo lagu eryey Maxaad Muse. Cabdale unoqotay. Iyo Maxamed Xaashi oo lagu Eryey Daacad baad tahay.
hadaan usoo noqdo dulucda sheekada.
UJEEDDAD MAQAALKA
Waan ka naxay markaan arkay Wasiirka Waxbarshada oo dhextaagan arday ka soo toostay Guryaha UNta NGOyada, Wasiirada, Iyo Maalqabeenada, Iyo inta Xaydaabka Dhaqaalaha ku meersan. iyo Xaflad Abaal marin Dahaba lagu bixinayo.
Xataa Xafladaha MWEYNUHU Baaburta lagu bixiyo, kuma jirto Wax Dowladu gacanta ku hayso Quraan haday tahay iyo haday School tahayba waa wax ganacsi ah. Illaahay munaasibadaha xifdiga quraanka oo aan Wasiirka Waxbarshada qorshaha ugu jirin. malaha intay timi quraankiiba waa laga saaray secoderyga. Waxan 4 ayadood baa lagu dhigtaa dugsiga sare. waxay Waxbatshadii ka dhigtay meel ay mashaariicda ku raadsato ILEEN aqoon kale malah e.
Waxaynu shaashadaha wararka caalamka kala soconey Wasiirka Waxbarashada oo ka Qayb qaadanaysa waxbarasha ganacsiga ah ee Dadka maalqabeenada iyo Madaxda iyo dadka qeniga ah hablahooda dahab lagu siinaayo. iyadoo labo casho ka hor Xarunta qarramada midoobey ee New York lagag hadlayey. In la helo Waxbarsho tayo leh oo dhamaan dabaqadaha kala duwan ee bulshooyinku u siman yihiin.
Maanta waxaad moodaa Xukuumada Siilaanyo in Wasiiradii Xalka ahaan jirey ay heer hoosayso oo ay kuwani xaabo Damiirka iyo aragatidaba ka yihiin. Wasiirka Waxbarashadu waxay ka xishoon lahayd School qoyskoodu lee yahay oo waxbarshadiisu ganacsi iyo FAA’ IIDOON tahay inay Xayaysiiso iyo shaqadeeda weli aynaan arag School Dawladeed oo ay Xaflad qurux badan u abaabushay waxaabay share la tahay Private iyo Schoolada aan Manhajka lahyn ee Dadka Lacagta lagaga furto.
Waxaynu Ognahay in Caalamka oo dhami ka shirayey in Waxbarashadu aanay ahayn wax keliya ay xaq u leeyihiin dadka lacagta haysta ama caruurta waalidkoodu ay hantiilayaasha yihiin, laakiin waxaa dhamaan caruurta dunida ku nool ay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho kor u qaada garaadkooda iyo fahamkooda. Sidii looga hortegi lahaa in aqoontu aan cid gaari yeelan ee loo sinaado aan loo eegin lacag,midab iyo diin toona.
Marka Xafladaha Dadka hodanka ah iyo qeniga ah laysku siiyo DAHAB Yaa u maqan Danyarta oo ay ka sugayaan aqoon tayo leh iyo abaalmarin.
Waxaan inta Xaraanta beriga ka ah ka cidsanayaa
1- inay ducystaan oo khayr ku ducaystaan. Xaraantana Eebe ka magan galaan.
2-inay Dalka u Duceeyaan.
3-Inay Madxweynaha u Duceeyaan in illaaahay Cadaalada iyo Nidaam wanaagsan in illaahay waafajiyo intuu joogo.
4-Inay Wasiirda u duceeyaan in illaahay Boog Madow daba dhigo if iyo aakhiro kuwa hantida qaranka sharciga iyo awooda si guracan u isticmaala kuwa iyagiyo kuwa aqoonta daran ina dhaafiyo oo illaahay Marba Madaxweynaha ku salido.
5-In illaahay Baarlamanka iyo Guurtida inta IMMAANKA la a inuu inaga qabto.
6-In illaahay ganacsato Wanaagsan oo kuwan dhaanta in alle ina Siiyo.
7_Saxaafad xalala oo XOR ah oo dhex ah in alle ina siiyo.
8-In illaahay Xaqa Dadka kale tuso isaaqa koodan tuso..
Iyo wixii dhiman ee Dadka iyo Dalka dani ugu jirto
Illaahayow Somaliland u gargaar.
Abdi Wali
abbarkhad@gmail.com