Mashaariicda Qiirrada Noqday ee Xukumada Siilaanyo Intay Ku Dhawaaqday Hadan Ka Dhaqaaqday Dib U Eeg

Waxa markii ay xukumada maanta talada haysa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysatay kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxwaynaha.

maqaal

Ku dhawaaqeen Mashaariic aad u tiro badan oo ay dadka ugu balan qaadeen inay fulinayaan 
Balse markii dambe isu rogay amma isu bedelay qiiro iyo jibo uun ee aanay waxba ka suura gelin 
Hadaba bal in kastoo ay faro badnaayeen oo aynaan halkan ku soo koobi karin
Bal aynu inta aynu xasuusano wax ka yara taataabano
kuwooda ugu waawayn waxaana kamida
 
1 Marshuucii Boqolka maalmood ee ay xukumada Siilaanyo ku balan qaaday inay waxqabadkeedda ugu horeeya ku fulinayso oo gebi ahaanba meesha ka baxday
2 Marshuucii Qashin gurka iyo ololaha nadaafada oo isaguna noqday Qiiro laba bilooda 
3 Marshuucii sahaminta shidaalka iyo shirkadii dalka yimi ee kaga noqday niyad jab iyo caga jiid
4 Marshuucii Maalgashiga caalamigaa oo isagana weli la haynin meel uu jaan iyo cidhib dhigay in afka laga sheego mooyaane
5 Marshuucii Diiwaan gelinta medenigaa ee dooda badani ka dhalatay oo ilaa hada aan cid sheegaysa amma dareentay aanay jirin waayo waxa uu ahaa marshuuc xaasaasiya oo runtii mudnaa marka la bilaabo in laga dareemo dalka oo dhan
6 Marshuucii Wadadda Ceerigaabo oo ah marshuuca ugu balaadhan ee intay xukumada siilaanyo ay ku bilawday qiiro aad u xoog badan oo ay iyagoo masuuliyiintu ilmadda yaxaaska daadinaaya dadka oo dhan kaga qiiraysiiyeen oo dhamaan shacabku ka qayb qaatay qaadhaankeeda markii ay ayaamo wadeena ay hadal hayntiisii soo gaabatay
Hadaba inaga oo aan halkaa kaga hadhi doonin Mashaariicdaas kala kacday ee laga sugaayo xukumada Siilaanyo bal akhriste iswaydii waxa lagaga mashquulay balan qaadadaas
Lasoco
By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky