MASHRUUCA CAANAHA RIYAHA EE G/ BAARLAMAAN​KA SL!

unnamed

Marka hore waxa aan jeclahay in aan halkan uga mahad celiyo, hawl wadeenada shabakadan caalamiga ah ee hadh iyo abeen u taagan, soo gudbinta warar xaqaa iqku salaysan. Mahadnaq balaadhan ka dib, waxa aan jeclahay in aan umadda reer somaliland u soo gudbiyo MASHRUUCA CAANAHA RIYAHA EE G/BAARLAMAANKA SOMALILAND, kaas oo in muda ahba ay xuukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Mr. Siilaanyo dabada ka riixaysay, marba wajiga ay doonto hawsoodhigtee, waxa aynu la wada soconay in ay xukuumadu isla murrankan oo kale ka dhalisay, golaha baarlamaanka mudo dhawr bilood laga joogo, kaas oo ay isku dayday in ay kursiga ka qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Mr. Cabdirahmaan ciro, iyadoon aan u soo marin shuruudo aan sharciga iyo dastuurka dalka midna waa faqsanayn.

Tusaale hadaan u soo qaato, arrintii uu Xirsi X. Cali kaga dhawaaqay shirkii Liverpool oo uu isku daray hanjabaad iyo goolaaftan isgoo ku balan qaaday in uu caano Sanka ka keeni doono Cabdiraxmaan Ciro marka uu dalka ku laabto, Waxa muuqata in aan arrintii laga hadhin loona soo galiyay waji kale oo ah Madaxweyne ku xigeenka SL, Taas oo gurigiisii ay ka dhigeen Meel umada shirqooladeeda laga soo agaasimo, Taas waxa aan leeyhay:

Cuqubadu halkii lagu galay Cawku hurudaaye Caruurtay ka laysaa ninkii Caano Baas dhama e, Waxa aan sidaa u leeyahay Saylici waxa uu noqday mishaar maalinba laanta wax ku ool ka ah ee soomaliland loo adeegsado, si miyir la’aani ku jirtana iskaga dhex butuluq sadada siyaasad xumadda ay soo maleegayaan Wiilasha yar yar ee socod baradka ku ah siyaasada, Mr. Saylici hadii uu ka waan toobi waayo Waxa uu heli doonnaa cawaaqib xumo, if iyo aakhiraba daba socon doonta. Waayo, waxa layidhi Geela Duqdiisu Dur Duriso Aarankiisana Maxaad Moodaa.

Arrinta kale ee iyaduna xusida mudan Waa Wasiirka madaxtooya Xirsi X. Cali, waxa uu u muuqdaa nin Nabadii ku daalay, oo Colaad u durbaano tumanaya, waxa uu noqday Qaalin haamo la saaray, oo masuuliyad ninkii lahaa ka seexday isgu dusha ku sida, taas oo ku keentay in uu la liic liico, oo maalinba Daamaha hargaysa Dhinac isku soo xoqo, horta waxa aad doonayso waad heli doontaa, se waxa aan kuu sheegayaa mashruucaga Caanaha Riyahu cidna Waxba kaga qaadi karimaysid, hadii aad adigu sharciga dhawri weydo, cid kalena dhawri mayso, ama Xildhibaano, Lacag u soo qaybi, ama jagooyin ugu balanqaad, adiga iyo Cali Mareexan waxa aad ku danbayn doon taan halkii Aaden Galayn, Adduun Ikhatal,

Waxa aad la mid noqon doontaataa Ninkii Caanaha Riyaha ku Maydhay ee yidhi Markuu isku shubay ” Alla Maxaa nalaga maydhay!!! ee markuu iyar Joogayna yidhi hadana ” Alla Maxaa nala kojiyey” Hantida aad umada ka boobtayna sidaas ayuun bay ku danbayn doontaa!!.

Waabeeyo /Saleeban Baakhaar, iyagu waa niman tii Alle iyo Tii dadnimadaba ka tagay oo ah niman maalinba meesha Dhaameelka looga ruxayo hoos tuban, markaa iyaga in ta laaluushku u socdo way ku hoos joogayaan, se kadabkood waxa uu go’ay maalinta ay kaawaayaan. Shaqsiyadooduna waa mid ku salaysan Baahidii ay soo mareen, illaa Sablaale, run hadaad donaysid maaha niman cid iyo taageero u keeni karaxa Siilaanyo, Somalida ayaa ku maah maahda mayd maxaa u danbeeyay iyo kaa la siisido, Doorashadii ugu danbaysay oodweyne, waabeeyo laba xildhibaan wuu uga soo saari kari waayay Kulmiye,

Suleeban Bakhaarna tiisu waa Zero.

Xildhibaanada Xalaal Quutayaasha ahna waxa aan leeyahay, Soomaliland Shacab keeddu waxba kama qarsoona Waykala arkaan Xildhibaanada Xaraan quutayaasha ah ee madaxtooyada laga soo shidaaliyo iyo kuwa kale ee Xaqa ku addimaya. Waxa aan ku soo afmeerayaa tuduc ka mid ah Gabayadii Alle haw naxariistee Gabyaagii weynaa ee Macalin Qaasim:.

”Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin’e Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye ”,

By Mohamoud Mohamed Abdilaahi,

Yorkshire