Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun Dil ah ku fulisay labadii nin ee dilay Allah ha uanaxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde.

toogasho-300x168

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo ruux oo la sheegay inay ahaayeen ragii ka dambeeyay dilkii loo geystay Allaha unaxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo kooxo hubaysan ay Muqdisho ku dileen.

Labada ruux ee saaka lagu toogtay fagaaraha School Polozio ee Magaalada Muqdisho ayaa mid kamid ah sidoo kale wuxuu kusii eedeysnaa inuu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gaashanle dhexe Cabdullaahi Xuseen Maxamed oo xukunka dilka markii uu dhacay, kadib saxaafadda la hadlay ayaa faah-faahiyay ragan saaka la toogtay.

Raga la toogtay ayaa magacyadooda wuxuu ku sheegay Cali Bashiir Cusman 20 jir ah Ina Muumino Cusmaan ku dhashay Gobolka Shabeellaha dhexe Deganaa Wadajir, Ruuxa kale ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Shariif Cusmaan 25-jir ah Ina Sahro Ibraahin ku dhashay Gobolka Sh. Dhexe degana Dharkiinleey, xafiiska Xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa ragaan kusoo eedeeyay inay dileen labo marxuum oo kala ah Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde iyo Marxuum Dhame Anas Cawil Maxamuud  taariiqda markii ay aheyd 22-10-2013.

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaliya ayaa ragaan ku fulisay saaka xukunkii dilka ahaa ee maxkamada ay ku riday, waxaana saaka loo qisaasay falkii ay horay u geysteen.

Goobta xukunka dilka ah uu ka dhacaayay ayaa waxaa ku sugnaa waalidiinta Marxuum Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde iyo bahda Saxaafadda Muqdisho oo soo dhaweeyay in xukun dil ah lagu fuliyo ragii dilay Wariye Tima Cadde.

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo isbedel ku yimid Hogaankeeda ayaa maalmahan dambe shaqooyinkii dar-darka ku socday waxa ay noqotay mid uu ku yimid gaabis, wixii ka dambeeyay isbedelka hogaanka maxkamada markii lagu sameeyay.

Salaanmedia/Moqdisho