Mudane M/weyne Xisbiga Waddani Dr Fadal Ma Bedelimaay​o ee Hadaad Diiday Dee Adigu Soo Magacaw Xubintaad Rabto Inay Waddani Metesho

maqaal

Waxa mudooyinkii ugu dambeeyay uu muran ka tagnaa xubnaha gudida Doorashooyinka Somaliland qaarkood oo markii ay asxaabta mucaaradka ahi keeneen xubin xubintoodii ay xukumadu si badheedha isu hortaagatay qaarkood 

iyadoo ay runtii wax lala yaabo tahay xubin buuxisay shuruudihii looga baahnaa in si bilaa micne ah loosoo celiyo 
amma loo soo celiyo nacayb shikhsiyadeed iyo wax katirsi xurgufo hore oo syaasadeed
Waxaynu aragnaa in markii 2aad si cadaama looga reebay gudidii doorashooyinka xubintii Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr Fadal
hadab anigu doni maayo inaan wakhti ku lumiyo khaldaadka xukumadan wakhtigeedu dhamaadka yahay waayo dhego aboolan hadal kama dego waxaynu ognahay in aanay waxaba ku qaadanayn wax kastoo la yidhaahdo
Mana naqaan dhanka ay u socoto iyo dhankay wax u waddo toona laakiin waxaan doonayaa inaan usheego Madaxweynaha sida uu noqonaayo sawirka kasoo baxay diidista uu diiday Dr Fadal
Markaa waxaan leeyahay Madaxweyne Xisbiga Waddani Wakaa Xubintiisii Gudida Keenay oo Waa Dr Fadal ee dee Hadaad diiday Bal Adigu Soo Magacaw Xubintii Gudida doorashooyinka Xisbiga Waddani u meteli lahayd
by Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad pluck
Qalin Ku Difaac Group