(MUJAAHID CALI GUREYOW DASTUURKA WAXAA KU JIRA QODOB AH HALA IS WAANIYO? maxaase lagugu xasuustaa?)

(MUJAAHID CALI GUREYOW DASTUURKA WAXAA KU JIRA QODOB AH HALA IS WAANIYO? maxaase lagugu xasuustaa?)

maqaal


mujaahid inaad ka mid tahay mujaahidiintii dalkan usoo halgantay soona xoreeysay waanu ogsoonahay.
mujaahidiintii ku shahiiday iyo inta nool in laxustaa way mudan yihin oo dalkan siday ugu istageen oo ay dhigooda iyo maalkodaba ugu hureen waa wax aan la ilaawayn.
mujaahid sidaad ku baaqday ama lamoodo inaad jecelshahay waxay ina xasuusinaysaa adiga iyo dhagawayne waqtigii talada gacmihiina ay ku jirtay, waxqabadkiina waxaa lagu xasuustaa hargeisa gudaheeda in kabadan 40 isbaaro inay yaleen halka sheekh ay taalay in kabadan 3 isbaaro.
markii ugu danbaysayna aad mid ka hirgaliseen madaxtooyada horteeda isagoo markaa dalkan jamhuuriyada somaliland madax ka ahaa ale ha unaxariistee madaxwayna cabdiraxmaan maxamed  cali,
isbarooyinkaasna ay mid walba si gaar ah idinkugu shaqayn jireen
arimahasoo soo dedejisay burburkii, bililqadii, boobkii, xasilooni daradii, iyo horumarla aantii dalkan ku habsatay,
waxaa ilahay mahadiiya iyadoo la xasuusto waqtigaa sidaad wax u maamuli jirteen hadaad maanta ku baaqday in dalka loo qaybiyo laba dowladood oo aad ka waantowday waqtigii aynu soo marnay,
waxaan kaloo ka naxay hadal uu sheegay mujaahidkeena cali gurey oo fagaaro kaleh jamaal cali xuseeen dalka rajuu ka leeyahay lakinse aniga rajo kama lehi hadalkaana mujaahidkeena kuma haboonayn inuu ku tiraabo.
mujaahid malintii dhawayd ee aad taageertay sahra halgan waanu ku faraxnay hase yesheen xuskii kamaadan dhex muuqan taasna maynaan garan.

anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan jecelahay inaan kugu waaniyo inaad noqoto qof waxa wanaagsan ku baaqa waxa xuna ka taga, dalkan jamhuuriyada somaliland halkuu marayo maanta waa heer caalami aynu ka qayb qaadano hurmarka aynu sheegno dhaliilaha jira si ay utoosiyaan,
mujaahid anigoo kamid ah raga fara kutiriska ah ee jecel wanaagaaga waxaan ku rajaynayaa caafimaad qab