Mujaahid Maxamuud Axmed Xasan Maxamuud Wadaad oo Shaaciyay Inuu Yahay Musharax U Taagan Doorashada Baarlamaanka Kana Sharaxanyahay Xisbiga Kulmiye

unnamed
Mujaahid Maxamuud Axmed Xasan oo ah mujaahid siwayn looga yaqaano dalkan JSL kana mid ahaa mujaahidiintii sida hagar la.aanta ah ugu soo halgamay xoriyanta dalka silamarkaana mudooyinkii u dambeeyay ku sugaan wadamada Khaliijka Carabta ayaa sheegay inuu sanadkan ka qayb gelaayo 

Tartanka Doorashada Aqalka Wakiilada JSL isaga oo sheegay inuu ka sharaxanyahay xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Maxamuud Wadad oo ah Mijaahid Kasoo jeeda Gobolka Saaxil ayaa waxa laga dareemaayay 

Muharaxnimadiisa 

Magaalooyinka Berbera Iyo Hargaysa xili uu wakhti Xaadirkan Imikaa Mujaahidku uu sheegay inay lagama maar maantahay inu hankiisa siyaasadeed soo bandhigo kana qayb qaato talada Qarankiisa

Mujaahid Maxamuud ayaa ah mujaahid Taagewero Culus iyo Sumcad ku dhex leh bulshada reer somaliland gaar ahaan gobolka uu kasoo jeedo ee Saaxil