Muxuu daaranyahay heshiiska sadex geesoodka ah ee Gud.Saleeban .Xukuumada iyo Xildhibaanada muxaafadka ah A Q-ahmed-lababaale….

unnamed

asc wrw . maalmahan.sidaynu lawada socono  waxa dib u bilaabmay khilaafkii .murankii iyo fawdadii  aynu uga baranay golaha sharci dajinta ee baarlamaanka .

hadaba bal aynu eegno muxuu salka kuhayaa amaba yaa ka danbeeya khilaafkan golaha sharci dajinta baarlamanka?
muxuuse daaranyahay  heshiiskan sadex geesoodka ah ee gud.gurtida saleebaan gaal .. xukuumada .iyo xildhibaanada muxaafadka ah ee kasoo jeeda xisbiga kulmiye  ?
marka uggu horaysa horta majirto khilaaf ama dhibaato  u dhaxaysa xildhibaanada golaha dhexdooda 
laakiin  waxa kusoo dhex tuurtay murankan iyo  dhibaatadan  kana masuulka   ahi waa xukuumada 
oo iyadu doonaysa sidii doorashada  inagusoo fooda leh aanay u qabsoomin ama  waqtigeedii ay dib ugu dhacdo 
kadibna golaha gurtidu shaanbada ugu dhuftaan dhawr sanadood oo danbe inay kursiga kusii fadhiyaan ..
waxaanan idiinku cadaynayaa qodobadan soosocda
1- sidaynu la wada soconay waxa jiray heshiis ku saabsan doorashooyinka oo ay wada gaadheen sadexda 
xisbi qaran . xukuumada .komoshinka  iyo dawladaha deeq bixiyayaasha ee inaga caawiya doorashooyinka.
heshiiskaas isaga ah markii uu madaxtooyada loo gudbiyay  xukuumadu sidiisii umay fulin waxyaabo badana way kasoo bedeshay waana halka uu khilaafku kow ka ahaaaa 
2-xeerkii  ay u codeeyeen 68 ka xildhibaan ee golaha baarlamanku markiii loo gudbiyay madaxtooyada sidiisii umay fulin ee intay waxyaabo badan lagasoo badelay ayaa dib loogu soo celiyay golihii
3-xeerkaas isaga ah ee xildhibaanadu ucodeeyeen xukuumaduna wax kasoo badeshay ayuu gudoomiyuhu sidii saxda ahayd ee xildhibaandu ugu codeyeen u gudbiyay guurtida ,, isla markaa waxay ahayd in gud. gurtidu ubandhigo golihiisa kadibna uusoo saxeexo kadibna uuu madax waynbaha u gudbiyo
may dhicin taasi  ..gud.saleeban xeerkii dhexda ayuu isbaadhe udhigtay isagoon u bandhigin golihiisiina dib ayuu ugusoo celiyay  golihii baarlamaanka ..
4. qodobka afraad ayaa wuxuu yahay  inay markaa heshiis wada galeeen xukuumada ..iyo gud.gurtida iyo xildhibaanda muxaafad ka ahi  si aanay waxba uga socon ama loo carqaladeeyo xeerkan doorashooyinka ..
iyadoo loo mudeeyay waqti cayiman hadiii mudadaa ay wax ku dhaman waayaaana aanay doorasho qabsoomayn.
  hadaba shacabka somaliland mar kaliya ayay xaq leeyihiin markaasina waa marka ay masiirkooda ka taliyaaan fartana ku doortaaan hogaamiyihii hogaamin lahaaaa … 
waxa muuqata markaa in xuquuqdi sahacabka meel lagaga dhacay ladoonayana in diktaateernimo kursiga dib loogu sii fadhiyo  ,
waxaan kusoo gaba gabaynayaa qormadaydan oo aan usoo jeedin ayaa  xukuumada .gud.gurtida .iyo xildhibaanada damiirkoodii siistay dhaameelka loo lulayo .ee  sida indho la.aanta ku difaaca xukuumada 
 xilkan aaad u haysaan dalka iyo dadka kitaab quraana ayaa gacanta u saarteen inaydun cadaalad iyo daacadnimo ugu shaqaysaaan  dadka iyo dalka
hadaba   ilaaahay ka cabsada oo  wadankanyar ee bilaa ictiraafka ah oo badbaadiya 
walaahu wlaiyu tawfiiq
waa qalinkii  -ahmed suleiman -lababaale