n Madaxweyne Siilaanyo Isa Soo Sharaxo Doorashada 2015 Qarankan Faa’iido Uma Laha Xisbiga KULMIYE-na Faa’iido Uma Laha, Balse Xisbi Ka Mid Ah 2 Xisbi Mucaarad Ayaa Ay Guul U Tahay In KULMIYE Soo Sharaxo Madaxweyne Siilaanyo:

maqaal

In Madaxweyne  Siilaanyo Isa Soo Sharaxo Doorashada 2015 Qarankan Faa’iido Uma Laha Xisbiga  KULMIYE-na Faa’iido Uma Laha, Balse Xisbi Ka Mid Ah 2 Xisbi Mucaarad Ayaa Ay Guul U Tahay In KULMIYE  Soo Sharaxo  Madaxweyne Siilaanyo:

 

 

Sida aynu la wada socono Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxu cadeeyay in uu yahay murashaxa Madaxweyne ee Doorashada la filayo in Dalka Somaliland ka dhacdo sanadka 2015. Hadaba waxaan jeclahay in aan ka yar faaloodo murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo, saamayn intee le’eg bay ku yeelanaysaa Qaranka Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE, Ta kale waa kuma  xisbiga mucaaradka ah ee ka faa’iidi doona musharaxnimada siilaanyo.

 

Waxaan jeclahay in aan yar faah-faahiyo sababta Qaranka Somaliland iyo Xisbul Xaakinka KULMIYE  aynan faa’iido ugu lahayn in ay Madaxweyne Siilaanyo Doorashada 2015 soo sharaxaan.

 

1)    Marka ugu horaysa Madaxweyne Siilaanyo wuxu ku guuldaraystay in uu hogaankii dalka isagu maamulo, marqudha uunbay shacabku arkeen taladii dalka ama masuuliyadii Madaxweynaha oo ay maamulanayaan dad aan la dooran oo ka mid ah qoyska Madaxweynaha, dadkaasoo si xun oo anshaxa dowladnimo ka baxsan u adeegsaday awoodii Madaxweynihii la doortay, taasi waxay keentay in bulshadii reer  Somaliland badankoodu ee codka ugu badan siiyay Xisbiga KULMIYE ay ka niyad jabeen maamul-xumadii  xukuumada Siilaanyo.

 

 

2)    Mushkiladii ugu weynayn ee dadka reer  Somaliland soo waajahday waxay ahayd  markii Xisbigii KULMIYE ee ay u doorteen in uu dhibaatooyinkii dalka ka jiray ee xaga  Cadaalada, Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Shaqo la’aanta, tahriibka ay ku fashilmayn in ay wax ka qabtaan.   Iska daa in ay wax ka qabtaan dhibaatada shacabka ka haysatay arrimaha bulshada, iyagiibaaba waxa ay soo kordhiyeen dhiibaatooyin cusub oo ay kow ka tahay Qabyaalad Qaawan oo Madaxtooyada Somaliland ka soo ifbaxday, Eex, Qaraabo-kiil, Ninjeclaysi, Hantidii umada oo si cad loo boobayo, Macdantii Dalka oo shirkado tuugo ah laga xaraashayo, Sharcigii Dalka u yaalay oo si cad loogu tumanayo, Ictiraaf raadintii oo la aasay, wada jirkii shacabka Somaliland oo kala fogaaday, iyo intaas oo hagardaamo oo aan qoraal ku soo koobi Karin ayay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaayo Qarankan u gaysatay

 

 

3)    Sidaa  darteed, waxa xusid mudan in xaqiiqada dhabta la waajaho, shacabka Somaliland-na loo tudho, waxa qudha ee maanta Madaxweyne Siilaanyo uu ku soo bixi karaa waa isagoo Doorashada Booba, taasina mid shacabku aqbalayo ma’ahan,  sida ay aniga illa tahay Xisbiga KULMIYE Dhaawac weyn baa ka soo gaadhi doona siyaasadda Somaliland hadii ay Madaxweyne  Siilaanyo u soo sharaxaan jagada Madaxweyna-nimo, sababtuna waxa weeye shacabka reer Somaliland waxay ka dharagsan yihiin maamul-xumada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, maamul xumadaasina waxay dhaawac weyn u gaysatay  kalsoonidii Xisbiga KULMIYE bulshadu u haysay, Xisbiga KULMIYE maanta waxa qudha ee uu isku badbaadin karaa waa isagoo dhexdiisa isbadal ka sameeya, soona sharaxa shiqsiyaad aqoon iyo daacadnimo leh si uu dib ugu soo ceshado kalsoonidii bulshada Somaliland.

 

 

4)    In Madaxweyne Axmed Siilaanyo marlabaad uu isa soo sharaxo Doorashada 2015, waxay faa’iido weyn u tahay ama guul taariikhi ah u noqon doontaa Xisbiga UCID qaasatan Murashaxa   Madaxweyne ee Aqoonyahay Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa  aqoonyahan C/rashiid Xasan Mataan,  sababta ay guusha ku helayaana waxa weeye kow Jamaal iyo C/rashiid  waa niban dhalinyaro ah oo aqoonyahana ah dalkana aan wax xil ah ka soo qaban, Xukuumada maanta talada haysa oo shacabku ay naceen maamul xumadeeda,  waxana oran karaa  labadan aqoonyahan waa niban shaadhkoodu cadyahay, takale waxay taageero balaadhan oo mug leh  ka heli doonaan  gobolada galbeedka Somaliland oo codka ugu badani ka soo baxo iyo gobolada barigaba  oo ay kaalin wacan ka gali doonaan.

 

 

5)    Faaladayda waxaan ku soo gabagabaynayaa in maanta loo baahanyahay isbadal wanaagsan oo umada reer Somaliland ay ku diirsadaan, shacabka reer Somaliland uma baahna shiqsiyaad  isbadala, shacabku uma baahna xisbiyo isbadala, shacabka reer Somaliland waxay u baahanyihiin in isbadal lagu sameeyo nidaamka dowladnimo oo wax badan ka qaldanyihiin, taasina waxa lagu helayaa marka aynu helno hogaamiye daacad ka ah in uu wax ka qabto dhibaatada arrimaha bulshada ee shacabka Somaliland haysata, Illaahay waxaan ka baryayaa in uu ina siiyo hogaamiye umadan cadaalad ku maamula oo xalaal cun ah kana daacad ah in uu umadiisa danyarta u badan wax u qabto. Aamiin Aamiin.

 

 

Mr.  Abdulqadir Mohamed  (Cukaashe)

UK

warfaa_101@hotmail.com