Nichlos Kay oo ka hadlay munaasabada ciidul Adxa

image

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay arimaha dalka Soomaaliya Nichlos Kay, ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay munaasabada ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Nikolas Kay ayaa hambalyo kal iyo lab ah u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee dabaaldegaysa munaasibadda Ciidul- Adh-xaaga .

“Maadaama ay Umadda Soomaaliyeed u dabaaldegayso Ciidul- Adh-haaga, waxaan leeyahay dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Qoysaskooduba Ciid Mubaarak”

“Manta waa maalin ay haboontahay in si heer caalami ah loo muujiyo qiimaha iyo muhiimadda ay leeyahiin Nabadda, xasiloonidda, iyo Midnibada”Ayuu yiri nichlos Kay.

Ugu dambeyn Nihclos Kay ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay inay si farxad leh ku ciidaan “Waxaan rajaynayaa dareenkan kudhisan dib-uheshiisiinta, iyo iskaashiga uu wax ku kordhindoon Nabadda Guud ee Soomaaliya. Ciid wanaagsan!”

Dadka Muslimiinta ah ayaa maanta u dabaaldagaya maalinta koowaad ee Munaasabada ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.