Nin dawarsan jiray magaalada Garissa oo xajka ku tagay lacagtii uu dawarsan sanadkan

image

Magaalada Garissa ee ah xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya aya waxa bishan ka dhacday arin la yaab kadib markii nin la dhihi jiray Axmad Madhaafaan Saney uu u anbabaxay xajka sanadkan. Ninkan aya caan ku aha tuugsiga iyo ka istaagida masaajidada iyo wadooyinka magaalada Garissa isagoo dadka weydiisto kaalmo iyo lacag.

Xajka aya lagu gudan kara ila 4 kun oo dollar, taas oo ka yaabisay reer Garissa markay arkeen Madhaafaan oo u socdo xajka sanadkan. Markii la weydiiyay Madhaafaan meesha uu ka keenay lacagta inta leg ee u sahashay inu xajiyo ayu yiri: labadii sano ee u danbeysay wixii lacag ee la ii siiyo markaan ka istaago masaajidada ama wadooyinka waxan ku shubi jiray bankiga Postbank ee magaalada Garissa, kadibna maalin walbo hadana tuugsiga ayan ku laaban jiray si aan lacag kale u helo anigoo rajadeyda ay ahayd inan aruursado lacag igu filan oo I geyso xajka.

Inkastoo xajka uusan waajib ku aheyn dadka masaakiinta ah aya hadana reer Garissa waxay u kala baxeen kuwo xanaaqsan iyo kuwa faraxsan. Kuwa xanaaqsan oo ninkii maalin walbo ka tuugsan jiray oo xajka aaday lacagta uu helay badnideeda, iyo kuwa faraxsan oo leh hadii uu lacagtaas ku cuni laha wax xun ama ku gadan laha wax xaaraan ah aya ka darnaan lahayd aadida xajka.

Axmad Madhaafaan aya dhankiisa balan qaaday inu usoo duceyn doono reer Garissa markuu tago xajka, kor istaagana buurta carafo, maadaama lacagtooda uu ku aaday xajka.

Salaanmedia/Mogdisho