Nin Soomaali Mareykan ah oo lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah (Daawo Sawirada)

 

image

Maxkamada Magaalada Portland ee Gobolka Oregon, ayaa waxay 30 sano oo xabsi ah ay ku xukuntay muwaadin Somaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Maxamuud.

Maxamed Cismaan Maxamuud, ayaa waxaa lagu helay eedeymaha ah inuu damcay in sanadkii 2010-kii uu qarax ka geysto goob ay isugu soo baxeen dad u dabaal degaayay munaasabada ciidda masiixiga, gudaha Magaalada Portland.

Xeer Ilaalinta Magaalada Portland, ayaa waxay dalbatay in ninkaan lagu xukumo xabsi dhan 40 sano, balse Garsooraha Maxkamada oo lagu magacaabo Garr M. King, ayaa ugu cudurdaaray dhalinyaranimada ninkaasi, iyadoona uu 30 sano kaga dhigay.

Garsooraha Maxkamada, ayaa qaba in xukunkaan uu digniin adag u noqon doono nin kasta, oo doonaaya in uu dhibaato u geysto muwaadiniinta Mareykanka ah, ee aanu waxba galabsan.

image

Maxamed Cismaan oo 23 sano jir ah, ayaa qirtay in uu maleygaayay in uu dhibaato u geysto isku soo bax ay isugu soo baxeen dad lagu qiyaasay 10 kun oo ruux.

Hooyo Maryan Maxamed oo ah hooyada dhashay eedeysanaha, ayaa Garsooraha ka codsatay inuu xukunka u qafiifiyo wiilkeeda, balse uu ka horyimid.

Steve Wax oo ka mid ah qareenadii difaaceysay ninka la xukumay, ayaan ku qancin go’aanka kama dambeysta ah ee ay Maxkamadu qaadatay.

Xukunka Maxkamada, ayaa dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii shalay, waxaana xukunka walaac ka muujiyay waalidiinta dhalay ninka dhalinyarada ah.