Nuxurka Kulamo Hargeysa ku dhex-maray Wakiilka Midawga Yurub Ee Somaliya, Madaxda Xisbiyada Iyo Saxaafadda Somaliland

ct 8, 2014 Hargeysa(SM) – Wakiilka gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabbilsan Arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, oo booqasho ku jooga Caasimadda Hargeysa, ayaa kulamo la yeeshay Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda Somaliland iyo sidoo kale Saxaafadda dalka, waxaanu qoraal kooban oo ay ku baahiyeen Barta ay Twitterka ku leeyihiin Midawga Yurub ku sheegeen inay wada shaqayn dhaw la yeelanayaan Axsaabta Siyaasadda Somaliland.
ergeyga iyo saxaafadaErgayga Midawga Yurub, ayaa shalay Suxufiyiintu Su’aalo kala duwan ku weydiiyeen Xarunta Dhaqanka ee magaalada Hargeysa oo uu booqday, isla markaana waxa uu jawaabaha su’aalahaas ku sheegay in Midawga Yurub taageerayo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, si dhaqso ahna uu u furmi doono wada-hadal dhawaan loo ballansan yahay inuu labada dal ku dhex-maro waddanka Turkiga.

Waxa uu Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qaddiyadda Kooxda la baxday Khaatumo ay ka aamminsan yihiin maaddaama oo marar ay Ciidanka Somaliland iyo Kooxda Khaatumo la baxday Jiidda Koonfurta iyo Bariga Sool ku dagaallameen Baaqyo uu ka soo saaray, ayaa waxa uu sheegay inuu mar walba ku baaqayo in nabadgelyada la ilaaliyo, isla markaana wax kasta oo la kala tirsanayo lagu dhammeeyo degganaan, wadahadal iyo nabadgelyo.

Geesta kale, qoraal laba qodob ka kooban oo uu Michele Cervone d’Urso ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Barta Internet-ka ee Twitter-ka wax uu ku sheegay inay kulmeen Saxaafadda Somaliland, isla markaana ka wada-hadleen madax-bannaanida Saxaafadda, waxaanu yidhi; “Midowga Yurub waxa uu kulamo Hargeysa kula qaatay Saxaafadda, waxaana laga hadlay madax-bannaanida saxaafadda ka jirta Somaliland.”
ergeyga iyo asxaabta qaranka

Sidoo kale, Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, waxa uu si kooban uga hadlay kulan uu la yeeshay shalay Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhkooda, waxaanu isagoo qaabka ay ula shaqaynayaan Xisbiyada ballan-qaadaya qoraalkiisa ku yidhi, “Midowga Yurub waxa uu wada-shaqayn la yeeelanaya xisbiyada Somaliland oo dhan si hore loogu sii socdo hannaanka u diyaar-garowga Doorashooyinka 2015-ka.”

Salaanmedia/Hargaysa