Professeero Xaal Qaado. Aabaha Qabyaadlada waa Axmed Siilaanyo

maqaal

Professeero  Xaal Qaado.   Aabaha Qabyaadlada waa Axmed Siilaanyo

Marka hore, salaam sharaf badan kabdi, waxaan halkan  rabaa in aan in yar oo kooban ka hadalo nin sheegtay profeeser jafaa  oo aflaagdo iyo caay kula dhacay musharaxa , aqoonyahanka  Sommaliland ee Jamaal Cali Xusseen.  

Waxaa ayaan darro ah nin  wax ku doonayo  in uu kaga helo dowlada  xukun qorqooshka ah ee Siilaanyo ay naceen Bulshada  Somaliland in uu kaga helo  Kursi ama  wa xoogaa hanti ah .  waxaa kaloo ayaan darro ah in maanta ay xukuuumada ay ku bixiso lacag fara badan oo si loo caayo  madaxada Xisbiyada Qarankan gaar ahan Xisbiga UCID  party.

Itaal darri awgeed, shacbigii oo ogaaday dhibtaadii qarsoonayd ee Xukuumada Siilaanyo  oo ay mid tahay in ay boobaan ama ku laaluushaan  hantida Qaranka.  Waxaa kaloo mudan in Axmed Siilaanyo oo aha aabaha Qabyaalada  islamarkana  kurisiga ku helay   qabyaalada cad issaga oo ku olalay tola ayay ayaa isxaaq ah barigii Dowladii Rayaale kaga  helay kursiga ayaad  wax ka sheegayasaa dhalinyarada u timid in ay dalkooda bad baadiyaan, kaana badbaadiyaan dulmiga iyo qabyaalda aan geed looga soo gaban ay xukuumada siilaanyo ay hadh iyo habeenba ay wadaan.

Hadii aad run  ka sheegasyo, Somaliland way garanaysaa cidda qabyaalada wax ku doontaa ama ku dawarsata  waa xuukamada Siilanyo  oo ku bixisa qarashaka ummada  odayaal dhaqameed iyo nimana waji kumacaash ah  kaga diifaaca  baahiyaha  cad cad ee ka jira  Dowalada Siilaanyo.

Laga soo bilaabo  markii uu ay la  wareegeen  kooxada siilanayo, waxa ay hadh iyo habeenba ka shaqeeyeen kala furfurka midnimiada Ummada Somaliland. Bal u fiirso muwaadinow,  Qudbadii taarikhida ahayd ee Daahir Rayale Kaahin “ Dal nabad ah iyo dad mid ah ayaan kaaga tagayaa”   maxaa ka damabyay, ayaa  reer hebel ka jooga, halkee ayaynu boobnaa iyo maxaa noo hadhay ayuu xaalka noqday.

Jamal Cali xuseen,  waa muwaadin  aqoon iyo waayo argnimo u leh , kana soo baxay jaamaca Harvard Universitiy  maha tan ku taala India oo shahada  laga soo iibsado.  Hadii aad profeeser tahay    waxaa qurux badnaan lahayd in uu maqaalkaga noqod  mid ku  salayasan  “ Critical analysis or Critical thinking” oo ah in aad labada dhinicbaa aad  waxa  ka xun aad si fiican uga hadasho. Laakin maacaleesh , waan ka xumahay  professorow xaal qaado. 

Mahada Allha iska leh

Xassan Ahmed

Student at LLB  Greenwich University

London

UK

Hassan.caafi@gmail.com